Xaflad Soo Dhaweyn iyo xog-waraysi isugu jirta oo Caawa loogu qabtay Helsinki Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/raxman Maxamed C/lahi(Cirro)..

dn (7)

 

Xaflad Balaadhan oo soo dhaweyn ah ayaa waxaa loogu qabtay magaalada Helsinki ee Caasimada Dalka Finland,Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/raxman Maxamed C/lahi ( Cirro) iyado ay soo abaabuleen xafladan Maamulka iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ee Laanta Finland.

dn (6)

Xafladan ayaa sidi caadada ahayd waxa lagu furay aayadaha Qur,anka kariimka iyo wacdi diini ah uuso jeediyey Sheekh Axmed-Weli, wacdigaas kadib ayaa shirka waxaa si guud ufuray Gudoomiyaha laanta Md C/raxman Ibrahin Carte, Mr Carte ayaa ´goobta ka jeediyey hadalo soo dhaweyn iyo furitaan ubadan, ugana mahad-celiyey Gudoomiye Cirro wakhtiga qaaliga ah uu hadyo jeer la yeesho taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan Finland.

dn (5)

Xafladan oo ahayd mid si-weyn looso agaasimay ayna kaso qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, aya waxa hadalo waano iyo talo ah kasoo jeediyey Md Siciid Cumar oo kamid ah odayaasha Xisbiga ee Laantan, isagoo tilmaamay maanta inay soo fool leeyihiin doorashooyin loona baahanyahay laantu inay samayso abaabul dhaqaale iyo mid kaleba si loogu diyaar garoobo hawlaha soo socda, sido kale waxaa isna ka hadlay Md Xasan Cali Sadexle Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland oo tilmaamay inu ku faraxsanayahay kulankan quruxda badan ee loo sameeyey Gudoomiye Cirro,

dn (8)

ka Jaaliyad ahaana ay Xisbiga Waddani marwalba la garab taaganyihiin hiil iyo hooba, waxa isna ka hadlay Gudoomiayaha Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Turku oo ah caasimada labaad ee dalka Finland, Mr Jamaal Cabdilaahi, oo tilmaamay inay xaflada sidi ay uga qayb gali lahaayeen uga soo kicitimeen caasimada labaad ee dalka, ka reer Turku ahaana ay Xisbiga si-weyn utaageersanyihiin, Xafiiska xisbiguna uu mudaba ka furnaa Turku, hadana ay wadaan dardar-galin badan.

dn (3)

dhanka kale waxa iyana goobta ka hadashay Marwo Canab oo ku hadlaysay afka Haweenka Xisbiga ee Laanta Finland, iyadoo tilmaantay kaalinta muga leh ee marwalba haweenka xisbigu ay kaga jiraan hawlaha, xustayna inay diyaar layihiin inay sii labanlaabaan hiil iyo hooba, maadaama hawlo badan hada inagu soo socdaan.

dn (4)

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay dad badan oo ka mid ah Odayaasha Xisbiga,  Haweenka, Dhalinyarada iyo marti sharaf kaleba, dhamaantoodna waxay tilmaameen inay ku faraxsanyihiin xafladan qiimaha badan, ayna diyaar layihiin ka laan ahaan meeshi marki hore la taagna in laga sii labanlaabo,waxkasta oo laanta qabtana hiil iyo hooba ay la garab taaganyihiin marwalba Xisbiga Waddani.

dn

Ugu danbaynti ayaa waxaa laguso dhaweeyey hadalka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somalland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, gudoomiyaha ayaa wuxu ka waramay arimo badan oo ku saabsan,  amaanka dalki, Dhaqaalaha, Horumarinta iyo Siyaasada guud ee dalku kujiro, sido kale wuxu ka waramay Xaalada Xisbigu hada meesha ay marayso, wuxuuna sheegay xaalada guud ee amaanku inay hada wanaagsantahay, gudoomiye Cirro ayaa sheegay in loo baahanyahay in wax badan laga wada tashado oo ku saabsan arimaha horumarinta, Dhaqaalaha, Siyaasada guud iyo Ictiraaf raadinti lafteeda, baahiyaha jira marki ay arkeen darteedna Xisbiyada Mucaaradku ay ku dhawaaqeen inay qabtaan Dood Qaran, oo lagaga arinsado xaalada dalku meesha ay taagantahay, dooduna ay ufuratahay cid kasta oo lexejeclo ka leh Somaliland, Xisbiyada Mucaaradkuna ay ku casuumeen Dhamaan Golayaasha Qaranka, Xukuumada, iyo Bulshada rayidka ahba, ayna jirin wax ajende gaara oo laga leeyahay haba yaraate, aan ka ahayn in wax layska waydiiyo xaalada dalku meesha ay maanta marayso, wixi toosin iyo tala bixin ahna looso jeediyo Xukuumada maanta talada haysa,

dn (1)

Dhanka Kale Gudoomiye Cirro ayaa tilmaamay Xaalada Xisbiga Waddani inay meel wanaagsan  hada marayso, ayna jiraan hawlo badan oo hada kuso fool leh Xisbiga sida doorashooyinka soosocda iyo waxyaabaha lamidka ah, sidaa daraadeedna loo baahanyahay in diyaar garow fiican laga sii sameeyo insha alla.

dn (2)

Gunaanadki kulanka ayaa su,aalo door ah lagu waydiiyey Gudoomiyaha, dhamaantoodna wuxu uga wada jawaabay si qurux badan oo faahfaahsan,

jawiga xaflada ayaa wuxuu kusoo dhamaaday farax iyo raynrayn.

 

Mohamed Hassan Matan