Xildhibaan Mubaarak Bidhi oo qalab dhanka ciyaarahaa ka gudoomey Haayadda Local Leagues Birmingham.

0

Birmingham, Xildhibaan Mubaarak Yusuf Cilmi Bidhi oo shaqo hawleed ku joogey dalka UK ayaa  maanta shirweyn oo uu la yeeshay Haayadda dhinaca ciyaarahaa oo la yiraahdo Local Leagues Birmingham, halkaasi kula saxeexday Heshiis dhinaca iskaashigga ee Ciyaaraha, Haayadan oo ka jira dalkan UK gaar ahaan magaaladda caasimadda labaad ee Britain Birmingham ayaa ka hawl gasha dhinaca ciyaaraha iyo kobcinta maskaxda iyo jidhka jiilka dayartaa ee ku dhaqan magaaladda Birmingham iyo guud ahaan dalkan UK, waayo hore ayaa loo yidhi jidhkii caafimaad qabba ayey maskax caafinaad qabtaa ku jirtaa oo waxaa aad loo kobciyaa dhinaca dayarta Wadamadda Yurub, qaabkan oo Xildhibaan Bidhi ugu tallo galay in aan ku dayanno oo lagga samatabixiyo ubadkeenna dhibka qaadka iyo balwadaha kale ku hayaan, isla markaasinna loogga faa,iideysto xoogoodda iyo maskaxdoodda soo koraysa oo dalku aad ugu baahanyahay haddii sidda haboon loo habeeyo, weyna muuqanaysaa sidda Xukumadda Axmed Siilaanyo qaybta libaax u siisay dayarta Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta xagga hore kagga jira hogaanka iyo waxqabadka dalkoodda iyo dadkoodda.

 1

Hadaba, Xildhibaan Mubaarak Bidhi ayaa Gudoomiyaha Haayadaasi Local Leagues Birmingham Mr Mohamed Shafigue ka gudoomey qalab dhinaca Ciyaarahaa oo aad u fara badan, qalabkan oo wax weyn ka taridoonna sidda Xildhibaan Mubaarak sheegay baahidda dhinaca agabka ciyaaraha ee ka jirta dhulkii hooyo ama Jamhuuriyadda Somaliland oo xildhibaanku sidda uu sheegay jecel yahay in tayadoodda ciyaareed in kor loo qaaddo si ay ula loolami karaan ugu yaraan bahweynta dhinaca Ciyaaraha ee mandaqadda geeska Africa oo Somaliland qayb ka tahay.

 

Waxaa isaguna qalabkan wareejintiisa goobjoog ka ahaa   Agaasimahii hore ee Wasaaradda Cadaaladda iyo weliba Arimaha Dibadda Mudane Maxmuud Raagge Ibraahim  oo iminka Hayadaasi u ah lataliyaha dhinaca Bulshadda, Mudane Maxamuud Raage iyo Xildhibaan Bidhi waxay iska kaashadeen siddii kor loogu qaadi lahaa adeegyadda dhinaca Ciyaaraha iyo guud ahaan Bulshadda reer Somaliland, waanna arinta keentay in dhaqdhaqaaq weyn ay ka sameeyaan in loo baryo taggo dhinacyadda kala duwan ee Arimaha Bulshadda Somaliland sidda Caafimaadka, Ciyaaraha, Waxbarashadda iyo qaybaha kale ee asaaska u ah nolosha aadamaha guud ahaan ee dalkeenna iyo dadkeenna Somaliland.

 3

Xildhibaan Mubaarak Bidhi waxuu kale oo soo uruuriyey qalab kala duwan oo dhinacyadda caafimaadka iyo waxbarashadda  agaab ku sexan lahaayen Derbijiifka oo ka mid yihin furashyo .  oo sidda uu sheegay u baahan in dalkii hooyo loo raro, kuwaasi oo ay ka mid yahiin qalab dhinaca caafimaadkaa oo uu kala shaqeeyey Jaaliyadda reer Somaliland ee UK ku dhaqan siddii loo gaadhsiin lahaa goobaheenna caafimaad ee dalka oo Xukumadda iyo dadaalkeedda laban-laabani aanu dabooli Karin, laakiin loo baahanyahay in Jaaliyadda reer Somaliland guntigga dhiisha iskagga dhigaan siddii dalkii wax loogu qaban lahaa, waxaan uruurinta agabkani ka mid ahaa shirar iyo kulamo uu la yeeshay Jaaliyadaha Magaalooyinka Dalkan sidda Manchester, Birmingham, Cardiff, London iyo Sheffield.

 

Qalabkaasi dhinaca Ciyaaraha oo qudha maha ee Xildhibaan Mubaarak mudaddii uu ku sugnaa dalkan UK waxuu si geesinimo iyo muwaadinnimo ku dheehantahay u garaacay albaabo badan oo uu qalab, aqoon iyo nidaamka maamulka dowladaha hoose intaba ka doonaayey si loo tayeeyo hawlaha Qaranka ee dowladaha hoose iyo weliba dhinacyadda kala duwan ee Ciyaaraha oo Xildibaan Mubaarak muddo dheer uu ku soo dhex jirey, isla markaasina u leeyahay aqoon waafiya oo wax ku oola, isla markaasina jecel yahay kor u qaadkoodda iyo in ay la jaanqaadi karaan kuwa caalamka oo dakhligga ugu weyni maanta ka soo baxo, laakiin wakhti badan iyo maaliyad badan in marka hore la geliyo u baahan sidda uu sheegay Xildhibaan Mubaarak.

 

Xildhibaanka oo lagu waddo inuu dalkii u baqoolo dhamaadka bishan aan ku jiro ayaa waxbadan oo yididiilo iyo dadaal ka muuqdo suurageliyey tan iyo maalintii uu soo cagga dhigay dalka UK.  Hadaba, Mubaarak oo qudha maha ee muwaadin kasta waxaa loogga baahanyahay inuu u dhaqdhaqaaqo dalkiisa iyo dadkiisa si aan u dardargelinno horukaca iyo dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta maraysa meel ninkii indho fiicani uu dareemi karo waxa inoo qabsoomay ee quruxda badan oo ay ku amaanantahay Xukumadda maanta dalka ka jirta iyo inta k hawl gasha madax iyo mijo.

 

Waxaa loo baahanyahay in dalkan wax loo qabto ee looma baahna in dalkan dib u dhac, muran iyo faraq siyaasiya in lagu abuuro oo waxii ummadani qabsatay madmadow iyo mugdi ay rag geliyaan maanta, taasinna waxaa loo baahanyahay in lagga dheeraaddo oo ummaddu u midowdo siddii waxii Qaranka liddi ku ah loogga dheeraan lahaa.

 

Waxaa diyaariyey Cabdilahi John

  UK