Xildhibaanada KULMIYE Iyo Waddani Oo Wada Jir Go’aankii Baashe Ugu Tilmaamay Fitno Golaha Lagu Soo Dhex Tuuray Kana Digay Dildilaac Golaha Ku Yimaada

Xildhibaanada KULMIYE Iyo Waddani Oo Wada Jir Go’aankii Baashe Ugu Tilmaamay Fitno Golaha Lagu Soo Dhex Tuuray Kana Digay Dildilaac Golaha Ku Yimaada

th (2)Nov 21,2013 Hargeysa(SM)-Xildhibaan Ibraahjim Jaamac Cali (Rayte), xildhibaan Axmed Ducaale iyo Xildhibaan Sanweyne oo ka mid mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ugu jira xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani, ayaa si adag uga hadlay Go’aanka Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax Iyo Dr Cali Yuusuf Axmed, kaga horyimaadeen isku-shaandheyntii uu

Guddoomiyaha Golahaasi ku sameeyay guddi hoosaadyada golaha wakiilada.
Mudanayaashan oo shir-jaraa’id oo ay ku wehelinayeen xildhibaano tiro badan oo labada xisbi ah, ayaa go’aanka Baashe ku tilmaamay fidmo golaha lagu soo dhex tuuray.
Xildhibaan Sanweyne oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Baashe wuxuu soo saaray go’aan, go’aankaasi qodobbo ayuu ku saleeyay, waxaanu yidhi guddiyadii waan baa’biiyey, horta Baashe lama dooran oo doorashada war uma hayo dhibaatadey leedahay, halka loo maro iyo sharciga ay leedahay, haddii doorasho dhacdo oo la is-doorto waa waxa aynu dimuqraadiyadda u haysano ee aynu ugu hiilinayno, guddiyadaana waala soo doortay oo golaha ayaa soo doortay, waxayna ahayd go’aan gole”

Xildhibaanku, waxa kale oo uu sheegay “Bishii 11-aad lixdeedii ayuu gole weynuhu markii aanu albaabada isku xidhanay ayaa wuxuu soo jeediyey sidii gudiyadan la isugu bedali lahaa, go’aan Gole ayay ahayd, go’aanka Golahana Cirro iyo Baashe Midna Ma burin karaan, go’aankaasi haddii uu dastuurka Somaliland ka soo horjeedo ayuubuu buri karaa, laakiin wixii intaa raacaa waa go’aan gole, markaa in la isku shaandheeyo guddiyada go’aan gole ayay ahayd, waata labaade 8 sanadood ayaan guddiyadaa aan la bedalin, sida xeer hoosaadku qorayana waxay ahayd in sanad walba la bedalo,

wax hadda loogu hambaariray annigu garan maayo, haddii ay dhacday oo guddoomiyihii bedalay, isaga ayaa sharci u leh kala bedalaada, cid kale oo la lihi ma jirto, laakiin wuu la tashan karaa Guddoomiye ku xigeenadiisa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Go’aankii uu soo saaray Baashe, wuxuu yidhi guddiyada lama bedali karo guddiyada sanadka u horeeya iyo sanadka u dambeeya, adeer sanadkii u dambeeyay kuma jirno, sanad iyo 8 biloodbaa noo hadhay,

taasina waxaad arkaysaa inay tahay wax uu madaxiisa ka soo samaystay..waxaan leeyahay Baashe Golaha fidmo ayuu ku soo dhex tuuray, gole wanaagsan oo la shaqeeya xukuumadda oo iyagu wada shaqeeya oo aan wax dhibaato ahi ka dhex jirin maanta in fidmo lagu soo dhex tuuro, anniga waxay ila tahay waa khalad weyn, Baashe ayaana Fidmadaa ka masuul ah, umaddana sidaas ayaanu u sheegaynaa”

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte), ayaa isaguna yidhi “Isku-shaandheynta Guddiyadu waa rabitaanka Golaha, go’aanka Guddoomiyuhuna taasi ayaa ku salaysan yahay, guddoomiye Baashe wuu maqnaa markii isku-shaandheyntani dhacday, laakiin Guddoomiye Cirro iyo Dr Cali Yuusuf way joogeen wayna wada saxeen oo way isla qaateen, waxayna ahayd wax goluhu isla ogol yahay,

doraad ayuu yimid Baashe, shalayna (Doraad) go’aan ayuu soo saaray, waa nasiib daro, qodobka labaad ee muhiimka ahi waxa weeyaan haddiiba go’aanka Guddoomiyuhu khaldan yahay oo uu xeer hoosaadka dhaafsiisan yahay Guddoomiye ku xigeenku awood ma u leeyahay inuu buriyo ama saxo, waxay la mid tahay MadaxwayneSiilaanyo oo shir ku maqan uu Madaxwayne ku xigeenku kala bedalo xukuumadda ama go’aamadii uu Madaxwaynunu gaadhay wax ka bedalo, ku sime waa ku sime, awood uma laha inuu go’aamada Guddoomiyaha wax ka bedalo”

Xildhibaan Rayte, waxa kale oo uu sheegay “Waxa wax ka bedali kara Guddoomiyaha oo go’aankiisa ka noqda iyo gole weynaha oo go’aan ka soo saara go’aankii Guddoomiyaha….Waxaanu isku dooranaa qaab ku dhisan xidhiidh shaqsi ah iyo xeer-hoosaadkayaga oo la isku tanaasulo oo la wada hadlo oo haddii ay gobollo tahay gobolladu ka wada muuqdaan, oo haddii ay xisbiyo tahay ay xisbiyadu ka wada muuqdaan, oo haddii ay hebelo tahayna la isku taageero oo la isaga hadho” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Waxaad moodaa in shaqsiyaad gaar ah wax loo doonayo, maaha in xisbiyo, arrintaasina runtii golahayaga kuma qurux badna, annaguna inaanu waxayaga dhamaysano ayaa wanaagsan, in xukuumaddu na soo farogalisana ma jeclin”

Xildhibaan Axmed Ducaale, ayaa isaguna yidhi “Qodobka ay cuskadeen waa qodob khaldan, sanadkii u dambeeyay kuma jirno, doorashadii golaha wakiiladu waxay ku beegan yahay 2015-ka, waxa u hadhay sanad iyo 8 bilood, ta kale Guddoomiye Baashe wuxuu ka boodayaa in sanad kasta la kala bedalo guddi hoosaasyada sida xeer hoosaadka noogu qoran”
Xildhibaanku, waxa kale oo uu soo qaaday “Qodobka labaad, wuxuu iloobay in go’aan gole lagu soo saaray….mida kale annagu ma aaminsanin in xukuumad iyo Madaxwayne na soo faro-galiyeen, sharciyad ayaanu ka hadlaynaa, Guddoomiye ku xigeenkuna sharciyadda ayuu meel kaga dhacay” ayuu yidhi,

Salaanemdia/Hargaysa