XOG CULUS:G.Bangiga Dhexe ee Iscasishay oo Sheegtay in Foosiya Yusuf Xaaji Aadan Qaabkii Uga Danbeysey Is Casilada (Sir Culus)

November 5, 2013 

 

Yusur-Fowsiya-iyo-Bangiga-DhexeSida ay Dhawaan uu Qorey Wargeyska Financial Times ee ka soo baxda Dalka Britain in Gudoomiyihii Banki-ga Dhex ee Soomaaliya Yusur Aadan Faarax  Abraar  ay si lama Filaan ah isaga Casishey Xilkaas ka dib markii Laba Todobaad ka hor loo Magacaabey Xilkaas iyadoo Yusur ay Sabab uga dhigtey Iscasilaadeeda Musuqmaasuq baahsan oo ka dhex jira Hayadaha Dowladda Federaalka

 

Yusur Abraar oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “markii la ii magacaabey Xilka Gudoomiyha Banki-ga Dhexe ee Soomaaliya waxaa Culeys aad u weyn la igu saarey wax ka baxsan Mas’uuliyadii la ii Xilsaarey in aan si dacaad ah ugu shaqeeyo Ummada Soomaaliyeed “  waxayyna Iscasilaadeeda Qoraal ugu Dirtey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo  Laba maalin ka hor inta aan la qaban Shirkii New Deal ee Brussels uu u Magacaabey Xilkaas

 

Yusur Abraar oo Qoraal Saddex Bog ah oo ay ku Faahfaahineyso  Iscasilaadeeda u Gudbisey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa ku sheegtey Qoraalkeeda  in wax isdaba Marin iyo Musuq Maasuq uu ka dhex jiro  Dowladda Dhexdeeda taasoo ay sheegtey in ay Daaha ama Albaabada u Furi karto Musuq-Maasuq

 

Haweeneydaa iska casishey Xilka  Gudoomiyihi Bangi-ga Dhexe ayey Warqadeeda iscasilaada ku sheegtey in ay is hortaagtey oo diidey Ogolaansho ay ka Codsadeen Shulman Rogers oo ah Hayad  Qareen ah (Low Firm) oo ka Howlgasha Wadanka Mareykanka taasoo dooneysey in ay Qandaraas ku qaataan soo Xareynta ama soo Ururinta Hantida faraha badan ee wadanka  Soomaaliya uga maqan Wadamada Dibadda ama ku xayiran wixii ka horeeyey 1991 dii markaas oo la ridey Dowladii Milatariga ahayd iyadoo Hayadaan lagu Magacaabo Shulman Rogers ay Dowladda Somaaliya  u adeegsan rabtey in ay ka Difaacaan Eedeymo hore ay Qaramada Midoobey u soo jeedisey Dowladda Federaalka

 

Shirkada Shulman Rogers waxaa  heshiis la gashey Wasiiradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalmiga ee Dowladda Federaalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan mar ay gaartey Cariga Mareykanka taasoo  oo markii Dambe Marsiisey Golaha Wasiiradda waxana heshiis  lala geley Sirkadda  Shulman Rogers watey nin lagu Magacaabo Muuse Ganjab waxaana uu heshisku Dhigayaa in Shirkadda ay qaadato Boqolkiiba 5% halka Fowsiya  Muuse Ganjab ay kala qaadanayaan mdkiiba Bpqolkiiba 2% waxayna kala dalbadeen in lacagta loogu Shubo Banki kale oo aan ka hayn Banki-ga Dhexe taasoo ay diidey Yusra waxayna Fowsiyo Muuse GanJab ugu Hanjabeen in Xilka  ka qaadayaan maadaama Madaxweynaha Dowlada Federaalka ay Wakiil ka yihiin.

 

Wadamada Dhaqaalaha bixiya ayaa  Dowladda Federaalka u Balan qaadey in ay siinayaan Dhaqaale ay Dib ugu soo Kabtaan ka dib markii Dalka Soomaaliya uu Muddo 23 Sanno uu ku soo jirey Dagaalo iyo  Abaaro ,waxayna  Shirar Dhaqaale loogu Ururinayo Soomaaliya  ay ka dhaceen Wadamada Turkiga Belgium iyo Ingiriiska  Bilooyinkii la soo dhaafey,waxaana Yaboohan si weyn u so dhaweeyey Ummada Soomaaliyeed , hase yeeshee Iscasilaada Gudoomiyhii Bangoiga Dhexe Soomaaliya Yusur Abraar oo maalmahaan si aad ah loo hadal hayey ayaa la dhihi karaa mid Dhabar jab ku ah Dowladda Soomaaliya oo  Dhaqaale Malaayin Doolar ka sugeysey Beesha Caalmka sidoo kale waa arrin Ugub ku ah Soomaaliya in Qof  Muddo Maalmo ah hayey Xil  uu iska Casilio Xilkaas,hadaba waxaan sugeynaa waa Cidda ay Dowladda Federaalka u Magacawdo Xilkaas mid ay Beesha Caalamka ku hayaan qaar ka mid Wadamada Dhaqaalha Bixiya ay doonayaan in Yusur ay ka laabato Iscasilaadeeda.

 

Salaanmedia/London

 

W/D Cali Farxaan Muuse

E-Mail  Nafaqo2015@hotmail.com