Xukuumadda Oo Siyaasi Wasiir Waran-cadde Gacan-saar La Leh U Adeegsatay Inuu U Matalo Masuul Xisbiga WADDANI Ka Tirsan Si Uu Xaal Iyo Raaligalin U Siiyo Wasiir Cali Warancadde TVga Qarankana Kasoo Daysay.

unnamed

Hargeysa (SM)  Axmed Maxamed Filanwaa oo Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin  ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga, isla-markaana ka mid ahaa Garabkii uu hogaamin-jiray Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde wakhtigii uu loolanka adagi Musharaxnimaddii Madaxweynaha ku dhex-maray Jamaal Cali Xuseen xiligii  uu Saxaadadda Siyaasadda ka sii baxayey Xisbigii UDUB.

 

Axmed Filanwaa oo Shalay Waraysi Siiyay Telefishanka ku hadla Afka Madaxtooyadda ee Bulshadda badankeedu u taqaano TV-ga Qaranka, wuxuu sheegay in Dhaliilaha uu Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed u jeediyay Wasiirka Arrimaaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde uu istaahilo in lagu Maxakamadeeyo,  isaga oo adeegsanayay weedho u eeg kuwa Shakhsiyaadka iyo Siyaasiyiina Waji ku macaashka ah ee Xukuumaddu u adeegsato cambaaraynta dhaliilaha uga yimaadda Axsaabta Mucaaridka.

Dhinaca kale Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI ahna Ku simaha Guddoomiyaha xisbigaasi Axmed Muumin Seed oo xalay u warramayay Telefishanka HCTV, ayaa sheegay inay xisbi ahaan anshax marinayaan Axmed Maxamed Filanwaa oo ahaa xubin aan xil ka hayn xisbiga una badheedhay inuu afka xisbiga ku hadlo raali-gelinna ka bixiyay Dhaliilo uu Xisbigu u jeediyay Wasiir Waran-cadde, kuwaas oo uu Guddoomiye ku xigeenku xusay in Wasiirka looga fadhiyo Magacayo uu sheegay inuu shaacin-doono oo u adeegaya cadowga Somaliland waa sidda uu hadalka Wasiirku u dhigaye.

 

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa jeebadda usoo buuxisay ninkan ka tirsanaa xubnaha aan xilka hayn xisbiga isla markaasna la geeyey TVga Qaranka si uu isaga dhigo masuul afka xisbiga waddani ku hadlaya oo raaligalinaya wasiir warancadde.Â