Daawo Muqaal:Duqa magaaladda Moqdisho Mahamud Ahmed Nuur “Tarsan” oo ka xanaaqay fariina u diray Sawir qaadaha Amiin Caamir.

tarsan

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mahamud Ahmed Nuur “Tarsan” oo Muuqaal uu ugu magac daray kalmada Asbuuca ee Duqa Muqdisho waxuu kaga hadlay arimo badan oo khuseeya asaga balse wax uu kaloo ka hadlay arimo xiiso badan.

 

Mudane Tarsan ayaa sida caadada u  aheyd uga hadlay Farshaxamiistaha Amiin Caamir waxuuna ku eedeyay sawir uu sheegay in uu si qaldan uga sameeyay Isago oo qof dumar ah dusha ka fuushan.

 

Dhinaca kala Wuxuu Sheegay Farsahaxan Amin Arts uu yahay Qof Wax lagu Shubto,  Sidoo kalana Wuxuu Sheegay In Amin Arts Meel Cidlo ah ku Dhamaan Doono Hadii aanu faraha ka qaadin waxa uu sameynaayo.

Salaanmedia/London