Daawo Sawiro..Mayor kuxigeenka Caasimada Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) iyo Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi oo la kulmay Duga Bristol UK

unnamed

Kulan Saacado qaatay oo lagu soo dhaweeyey Mayor kuxigeenka Caasimada Somaliland ee Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) iyo Safiirka Wareega ee Somaliland ayaa ka dhacay xafiiska Duqa magaaladda Bristol ee Cariga Ingiriiska,Kulan oo ahaa mid lagu soo dhaweeyey Mayor kuxigeenka Hargaysa ayuu Duqa Bristol ugu horeyn aad ugu mahadceliyey is araga aadka u xiisaha badan,waxa uuna uga waramay xaalada guud ee ka jirta dadka reer Somaliland ee reer Bristol iyo muhiimada ay ugu fadhiyaan waxa uuna carabaabay in uu xidhiidh wacani ka dhaxeeyo, Waxa kale oo Duqa Bristol u sheegay in uu aad usoo dhaweynaayo horumarka Somaliland ay ku talaabsatay wixii uu la qabn karona wuu la bar-bar tagan yahay.

5

Mayor kuxigeenka Caasimada Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa dhinaciisa aad ugu mahadceliyey soo dhaweynta qaaliga ah ee aad nagu sharaftay iyo xidhiidhka wacan ee aad la leedahay jaaliyadda reer Somaliland ee Bristol,Waxa Mayor kuxigeenku uga waramay xaalada Guud ee Somaliland iyo booqashadiisa dalkan Ingiriiska waxa ayna ku balameen kulamo kale oo arimaha xidhiidha Jaaliyadda reer Somaliland iyo Maayorka la isugu xidhi lahaa.

unnamed

Waxa isna hadalo aad u qiimo badan usoo jeediyey Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi oo aad ugu mahadceliyey Duqa Bristol iyo kulankan tariikhiga ah ee uu la yeeshay,Safiirku waxa uu dhinaciisa cadeeyey sida aad jaaliyada ugu xidhan tahay iyo sii xoojinta xidhiidhkeena.

4

Kulanku waxa uu kusoo dhamaaday guul waxa ugu danbeyn Mayor kuxigeenka Caasimada Hargaysa uu gudoonsiiyey hadyad dhaqanka Somaliland ah oo uu aad uga helay Duqa Bristol.

5

3

2

Salaanmedia/London