Dowladda Mareykanka oo dib udhigtay maxkamadeynta Ahmed Abdulkadir Warsame oo Soomaali ah

usa

Dowladda Mareykanka ayaa dib udhigtay maxkamadeynta Wiil Soomaali ah oo Mareykanka uu ku tuhmayo inuu xidhiidh la leeyahay Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Ahmed Abdulkadir Warsame, oo Dowlada Mareykanka ay ku eedeysay inuu yahay xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa Dhageysiga Maxkamadiisa waxay mudo labo sano ah ka sii socotaa dalka Mareykanka ,iyadoo ilaa iyo hada aan la xukumin.

Sida lagu daabacay Wargeyska The Guardian, Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka, ayaa ku dhagan wiilkaan Soomaaliga ah, kana doonaysa macluumaad ku saabsan xiriirka isaga iyo Shabaab kawada dhaxeeya.

Wararka ayaa sheegaya in Ahmed Abdukaadir maxkamadeyntiisa dib loo dhigay oo aan loo gudbin maxkamada sare ee dalkaasi sida ay xaqiijiyeen qareenada udoodaya wiilkaasi Soomaaliga ah.

Soomaaligaan ku eedeysan inuu xiriir la leeyahay Ururka Al-Shabaab ee Al-Qaeda ka tirsan, ayaa ku doodaya inuusan wax xiriir ah la laheyn Ururka Al-Shabaab, weligiisna uusan la shaqeyn.

Ahmed Warsame ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Mareykanka Bishii April 2011,xilli uu doonayay inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya,isagoo ka soo kicitamay dalka Yemen.

Lama sheegin xilliga rasmiga ah ee kiiskiisa go’aan laga gaarayo, laakiin waxaa socoto su’aalo weydiinta laamaha sirdoonka Mareykanka ay wadaan oo ku aadan inay xog kasoo saaraan wiilkaasi.

Salaanmedia/Mogdisho