Madaxweynaha Somaliya Oo Dowlada Iyo Shacabka South Africa Ka Tacsiyeeyay Geeridii Nelson Mondela

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh “Macalinku Waa Nolosha Dalka”

Dec 6,2013 Muqdisho(SM)Madaxweynaha Soomaaliya mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray shacabka iyo dowlada Koonfur Africa geeridii ku timid madaxweynihii hore ee dalkasi Nelson Mandel.

War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda ay ugu tacsiyadeynayaan shacabka iyo maamulka madaxweyne Jey Kabsuuma geeridii Mondela oo xalay ku geerityoodey cisbital ku yaala magalaada britooriya ee wadanka Konfur Africa.

Warsaxaafadeedka yaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Shieekh Maxamuud uu ku tilmaamay madaxweybihii hore ee koonfur Africa Nelson Mandela in uu ahaa nin geesi ah islamarkaan taariikhda baal dahab ah ka galay.

Mondela waxaa uu ahaa geesi laga xusuuto guud ahaanba caalamka, waa ninkii dowrka muhiimka ah ka qaatay la dagaalanak midib takoora iyo raadainta cadaalada ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee wadanka koonfur Africa Nelson Mandela oo ku geeriyooday da’dii 94 aad ayaa in mudo ah xanuunsana waxaana jiradiisu ahayd xanuun uur kujirta ah.

Taarikhdii Mr Mondeela ayaa ahayd mid aad u dheer marka loo fiiriyo marxaladihii kaladuwanaa uu u soo maray in dalkaasi uu k asaaro gumaysigii midab takoorka ku dhisnaa.

Salaanmedia/Mogdisho