Munaasabad lagu taageerayo dooda qaran laguna magacaabay gudidda cusub ee xisbiga Waddani laanta Turku ee wadanka Finland

 

Munaasabad lagu taageerayo dooda qaran laguna magacaabay gudidda cusub ee xisbiga Waddani laanta Turku ee wadanka Finland

Munaasibad balaadhan oo ay soo agaasimeen xubnaha kala duwan ee xusbiga Waddani laantiisa Turku ee wadanka Finland ayaa waxay maanta ka dhacday  magalada Turku.  Munaasibadan oo ahayd mid lagu taageerayey dooda qaran sidoo kalena lagu dooranaayay  gudidda cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha sar sare ee xusbiga Waddani ee wadanka Finland.

SONY DSC

Xubnahaas oo oo hugaaminayay gudoomiyaha xusbiga Waddani ee wadanka Finland Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan  ayaa waxaa madasha hadalka lagu furay  quraanka kariimka ah oo uu ku furay shiikh Cabdi kariin Idiris Xirsi oo k tirsan culumadda xisbig Waddani,  intaa kadib waxaa waxa bilaamatay  munaasabada  oo  daadihinayay mudane Maxamed Cabdi Qoosh  waxaa uu hadalka kusoo dhaweeeyay Eng Jamaal Cabdilaahi Xasan oo goobta ka jeediyay hadalo mahiim ah waxaana hadaladiisa ka mid ah in  xisbiga waddani ay mahiim tahay in aduunka ku yeesho laamo badan si xisbiga loo  gaadhsiiyo ujeedadiisa dhamaan dadka reer somaliland ee ku dhaqan aduun weynaha.

SONY DSC

Waxa kale uu Eng Jamaal Cabdilahai Xasan sheegay in magalada Turku laga asaasay xisbiga bilaawgii sanadkana 2013 hadana la balaadhiyay xisbiga Waddani maamulkiisa sababtoo ah waxaa jooga dad tiro badan o xisbiga taageera .

Waxaa isna hadalka la wareegay oo lagu maamusay odey Faarah oo runtii si waayo aragnimo iyo cilmiyaysan uga hadlay xisbiga iyo Somaliland guud ahaanba waxuu odey Faarah yidhi , dhamaantiin waxaad tihiin Somaliland waxaa mahiim ah in aad isku duubnaataan kiina saxsana aad garabgashaan kiina khaldana aad qabataan, waxuu kale oo odey Faarah hadalkiisa ku daray waad og tihiin, waxay somaliland soo martay in la ilaaliyana waa mahiim waayo waa tacabkeenii waa dadkeenii waa dalkeenii  waa in aynu ku dhaqaaqnaa horumar iyo walaaltinmo  iyo jacayl  aan hagrasho lahay .

SONY DSC

Intaa ka dabin waxaa isna goobta ka hadlay gudoomiyaha garabka  dhalinyarada ee xusbiga Suldaaan Siciid waxaana hadaladiisa ka mid ah in uu dhowaan ka yimi wadankii uuna soo arkay waxaabo badan oo u banaan in uu Waddani qabto loona baahan yahay in la doorto in xisbiga Waddani  dhaliilna huwiyay xukuumada hada talada haysa ee xisbiga Kulmiye .

SONY DSC

intaa ka dib waxaa uu munaasabadaa Gudoomiyaha Waddani ee Finland Mudane C/raxaan Ibraahim Cartan  uu magacaabay   musuuliyiinta cusub ee xisbiga Waddani laantiisa Turku oo u dhacday sidatan

  1. Gudoomiye  Axmed Cabdilaahi Khaliif
  2. Gudoomiye ku xigeeen Eng.  Jamaal Cabdilaahi Xasan
  3.  Qasnaji Maxamed Cabdi Jamac
  4.  Afhayeenka xusbiga wadani laantiisa filand nuux maxamuud axmed .

Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Finland mudane  Cabdraxmaan Cartan isagoo hadalkiisa sii watana waxuu ku nuux nuuxsaday dhaliisha xisbiga talada hada haya isagoo ku tilmaamay in shirka qaran ee xisbiyadana ku baaqeena uu yahay muhiim, waxa kale oo sheegay in Somaliland ay u baahan tahay Waddani  oo ah xisbi waxtar u leh umada Somaliland.

Kadibna waxaa  hadalka la wareegay gudoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani ee Turku loo doortay  mudane Axmed Cabdilaahi Khaliif isagoo sheegay in xukuumada  uu badali doono xisbiga Waddani waayo buu yidhi xukuumadu may buuxin waxii laga rabay waxaana buuxin doona xisbiga Waddani  mudane Axmed waxuu ka sheekayay ahmiyada xisbiga Waddani ay  u leeyahay bulshada Somaliland  aad na xukuumada u dhaliilay ,waxaa isna hadal goobta ku daray  Maxamed Cabdi Jaamac isoo sheegay in xukuumadu ay wax qabatay laakiin xusbiga wadani uu dhaafindoono halkay maanta Somaliland joogto .

Waxaa isna goobta ka hadlay afhayeenka cusub ee xisbiga Waddani laantiisa Turku Nuux Maxmuud Axmed  waxuuna Nuux hadalkiisa ku biilaabay in uu gudoomeen dhamaan xilkii loo wada magacabay waxuuna yidhi waanu gudoonay xilalka aad noo magacowdeen aniga iyo saaxiiibaday waxaanu Nuux sheegay in xisbiyada iyo axsaabtu tahay mahiim duniduna ay inagu qiimeenayso isago waxuuna hadalkiisa ku gabagabeeyay in aynu dhamaan u wada shaqayno Somaliland waa mahiim  intaa ka dib waxaa xaflada soo xidhay gudoomiyaha cusub ee laanta Turku Mudane Axmed C/laahi Khaliif.

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani

laanta Turku Finland

Mr Nuux Maxamuud Ahmed