Nelson Mandela oo geeriyooday iyo tariikh nololeedkisii.

131204172433_nelson_mandela__512x288_afp

Nelson Mandela waxa uu ahaa mid ka mid ah hoggaamiayaasha caalamka ee aadka loo xushmeeyo, kaasi oo hoggaamiyay halgankii lagu beddelay nidaamkii midab-kala sooca ee koonfur Afrika mid jinsiyado kala duwan oo dimuqraadi ah.

Isagoo xirnaa 27 sano, waxa uu ku soo baxay in uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah iyo in uu ka cayaaro door hoggaameed nabadda dhinacyo kale oo khilaaf ka jiray.
Soo jiidashadiisa, dareenkiisa ah in aanu awooddiisa muujin iyo in aanu ka xumaan sida adag ee loola dhaqmay, iyo weliba taariikhda noloshiisa cajiibka lahayd, ayaa qeyb ka ah in uu noqdo nin adduunka oo dhan soo jiitay.

Kadib markii uu ka degay Madaxweynenimada 1999, Mr Mandela waxa uu noqday Danjirihii Koonfur Afrika ugu magaca dheeraa, isaga oo u ololeeyay la dagaallanka HIV/AIDS iyo inuu xaqiijiyay in dalkiisa uu marti geliyo Koobkii cayaaraha Adduunka 2010.
Waxaa sidoo kale uu ku hawlanaa wada xaajoodyada nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, Burundi iyo dalal kale oo Afrika ah.
2004, isagoo jira 85 ayaa Mr Mandela waxa uu hawlgab ka noqday shaqadii bulshada si uu waqti dheeraad ah ula qaato qoyskiisa iyo saaxiibadii oo xaaladda deggan uu galo. “Ha isoo wicina, Aniga ayaa idin soo wacaya,” Sidaas ayuu uga digay cid walba oo mustaqbalka dooneysa inay casuunto.

Waxa uu ku dhashay Rolihlahla Dalibhunga 1918, qabiilka Madiba ee ku hadla Xhosa oo ah dadka Thembu ee dega tuulo yar oo ku taal bariga Cape ee Koonfur Afrika.

Koonfur Afrika gudaheeda waxaa inta badan loogu yeeri jiray magaca qabiilkiisa ee Madiba halka uu bixiyay magaciisa Ingiriiska ah ee Nelson, macalin iskuulka u dhigi jiray.

Aabihii oo madax u ahaa boqortooyada qoyska Thembu, waxa uu dhintay Nelson Mandela oo sagaal jir ah, waxaana markaasi loo dhiibay inuu koriyo Caaqil Jongintaba Dalindyebo.

Waxa uu ku biiray African National Congress (ANC) 1943, markii hore qof u ololeeya, kadibna aasaasihii iyo Madaxweynihii Ururkii Dhalinyarada ANC.

Ugu danbeyn, kadib markii sanado uu xirnaa, waxaa uu sidoo kale uu u noqday Madaxweyne.

Waxa uu goorsaday xaaskiisi ugu horreysay Evelyn Mase, 1944. Waxa ay is fureen 1985 kadib markii afar caruur ah isku dhaleen.

Mamnuucid

Mr Mandela waxa uu bartay sharciga, waxaana uu 1952 xafiis qareen ka furtay Johannesburg isaga iyo saaxiibkii Oliver Tambo.
Mr Mandela iyo Mr Tambo iyaga oo wada jira waxa ay sameeyeen olole looga soo horjeedo midab kala sooca, nidaam ay dejiyeen xisbiga qaranka ee wada caddaanka ahaa kaasi oo lagu cadaadin jiray madowga tirada badan.
1956, Mr Mandela waxaa lagu soo dacweeyay qiyaano qaran, isaga iyo 155 qof oo kale, laakiin dacwaddaasi isaga loo heystay waa la iska tuuray kadib maxkamad afar sano socotay.
Iska caabinta midab kala sooca ayaa sii korortay, waxaana ay sababtu u badnayd sharciyo cusub oo la soo saaray, kuwaasi oo u sheegaya meelaha dadka madow loo oggol yahay inay ku noolaadaan iyo ka shaqeeyaan.
1958, Mr Mandela wuxuu guursaday Winnie Madikizela, oo markii danbe door muuqda ka qaadatay ololihii ninkeeda looga sii deynayay xabsiga.

Ururka ANC waxa la mamnuucay 1960. Markaana Mr Mandela, iyo xubno kale oo hoggaanka ururka ahaa ayaa dhuumasho galay.
Mucaaradka rejiimkii midab-kala sooca ayaa koray 1960 markii 69 qof oo madow ah ay ciidanka booliisku toogasho ku dileen banaanbax ka dhacayay Sharpeville.

Tani waxa ay calaamad u ahayd dhammaadkii iska caabin nabad ku dhisan, waxaana Mr Mandela oo markaasi ahaa Madaxweyne ku xigeenka ANC uu bilaabay olole lagu waxyeeleynayo dhaqaalaha.

Xabsi daa’in

Ugu dambeyntii waa la xiray waxaana lagu soo eedeeyay in waxyeeleynaya isla markaana uu dagaal doonayay inuu ku rido dowladda.
Isaga oo ka hadlayay maxkamadda gudaheeda dacwad loogu magac daray Rivonia oo ah meel ku taal banaanka Johannesburg halkaasi oo laga soo xiray qaar ka mid ah dadka eedeysnaa, ayaa Mr Mandela waxa uu gudbiyay waxa uu aaminsan yahay ee dimuqraadiyad, xorriyad iyo sinnaan.

“waxaan difaacayaa aragtida dimuqraadiyadda iyo bulsho xor ah taasi oo dhammaan dadku ay ku wada nool yihiin heshiis iyo fursado loo siman yahay,” Ayuu yiri.
“Waa aragti aan rajeynayo inaan ku noolaado oo aan helo. Laakiin haddii loo baahdo, waa aragti aan diyaar u ahay inaan u dhinto.”

Dhammaadkii 1964 ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.
12 bilood gudahood intii u dhaxeysay sanadihii 1968 iyo 1969, Hooyadii ayaa dhimatay, wiilkiisi ugu weynaana waxa uu ku dhintay shil baabuur, laakiin looma oggolaan inuu ka qeybgalo aaskoodi.

Wuxuu ku sii jiray xabsiga jasiiradda Robben Island muddo 18 sano ah, ka hor intaan loo wareejin xabsiga Pollsmoor sanadkii 1982.
Intii Mr Mandela iyo xubnihii kale ee hoggaamiyayaasha ANC ay ku jireen xabsi ama masaafur dibedda ah, dhalinyaradii Koonfur Afrika ee xaafadaha madowga intii karaankooda ah ayay la dagaallameen maamulkii caddaankii tirada yaraa.

Boqolaal ayaa la dilay, iyadoo kumanaan la dhaawacay ka hor inta aan kacdoonka baabi’in.
1980, Mr Tambo, oo masaafuris ku maqnaa ayaa bilaabay olole caalami ah oo lagu sii deynay Mr Mandela.

Beesha caalamka ayaa sii adkeysay cunaqabateyntii markii ugu horreysay lagu soo rogay 1967 rejiimkii midab kala sooca.
Cadaadiskaasi waxa uu keenay natiijo, sanadkii 1990, Madaxweyne FW de Klerk waxa uu mamnuuciddii ka qaaday ANC. Mr waxaa laga sii daayay xansiga, waxaana bilowday wada hadalo ku saabsan in la dhiso dowlad cusub oo jinsiyadaha kala duwan oo dimuqraadi ah.

Abaal Marinta Nobel Peace Prize

Sanadkii 1992 Mr Mandela waxay kala baxeen xaaskiisi, Winnie, arrimo ku saabsan gogol dhaaf. Waxaa lagu helay dacwado la xiriiray afduub iyo inay gacan siisay weerar.
Bishii Disember 1993, isaga iyo Mr de Klerk waxa la siiyay abaal marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.
Shan bilood kadib, markii ugu horreysay taariikhda Koonfur Afrika, dhammaan jinsiyadaha kala duwan ayaa u codeeyay doorasho dimuqraadi ah, waxaana Madaxaweyne loo doortay Mr Mandela.
Dhibaatada ugu horreysay ee soo wajahday waxay ahayd guryo la’aanta heysatay dadka saboolka ah, xaafadaha isku raranka ah ayaa sii socday oo dhibaato ku ahaa magaalooyinka waaweyn.
Wuxuu ku xigeen ka dhigtay Thabo Mbeki, oo uu ku aaminay shaqo maalmeedka dowladda ee maalin kasta, halka isaguna uu xoogga saaray shaqooyinka hoggaamiyaha iyo inuu dhiso muuqaal cusub oo caalami ah ee Koonfur Afrika.

Qaabkaasi, ayuuna ku guuleystay in uu ka dhaadhacsiiyo shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah inay joogaan dalka oo ay maal-gashadaan Koonfur Afrika.
Sanad-guurada 80aad ee dhalashadiisa, 1998, Mr Mandela waxa uu guursaday Graca Machel, oo ah haweeneydii uu ka dhintay Madaxweynihii hore ee Mozambique.
Markii uu xilka Madaxweynenimada ka degay 1999, in meelaha banaanka lagu arko waxa ay inta badan la xiriirtay hawsha hey’addiisa Mandela, oo ah hey’ad samafal oo uu aasaasay, laakiin waxa uu sii waday in uu dibedda u safro, in uu la kulmo hoggaamiyeyaal, in uu ka qeybgalo shirarka waaweyn iyo inuu abaalmarinno qaato.

Sanad-guurada 89aad ee dhalashadiisa, wuxuu sameeyay koox loogu magac dara Odoyaasha oo ka kooban xubno dunida caan ka ah si ay u bixiyaan talo iyo tusaalooyin “si wax logga qabto dhibaatooyinka ugu daran ee caalamka”.

Waxaa suurtagal ah in arrinta ugu weyn ee ay tahay in la xuso sanadihii ugu dambeeyay in sanadkii 2005, kadib markii uu dhintay wiilkiisi Makgatho. Markaasi oo ay weli ceeb ahayd in laga hadlo cudurka dilaaga ah ee AIDS, uu Mr Mandela ku dhawaaqay in wiilkiisa uu u dhintay cudurka AIDS, isla markaana uu ku booriyay dadka Koonfur Afrika inay ka hadlaan cudurka oo ay u arkaan sida jiro caadi.

Source BBC