Shirka Doodda Qaran Oo Somaliland Ku Soo Jeediyay Indhaha Beesha Caalamka

(SM-Hargeysa) – Muddo aad u yar ayaa ka hadhay wakhtiga ay labada xisbi mucaarad u qorsheeyeen inuu qabsoomo shirka doodd qaran ay ugu magac dareen kaas oo ku taariikhaysan 14 December oo ah bishan lagu jiro.

Shirkaas oo ay si adag uga hortimid xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay labada xisbi mucaarad sheegeen in lagaga hadli doono afar qodob oo ay ka mid yihiin doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee sannadka dambe qorshaysan, golaha guurtida oo aan marna wax doorasho ahi ka dhicin iyo laba qodob oo kale.

Laakiin waxa ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo si adag uga hortimid shirkaas oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Hase yeeshe sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, labadan qodob ee ka mid ah ajandayaash shirkaas ee khuseeya doorashooyinka oo ah doorashada Baarlamaanka iyo madaxtooyada iyo sida laga yeelayo guurtida, ayaa soo jiitay indhaha beesha caalamka, gaar ahaan deeq bixiyayaasha taageera hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, waxaanay xidhiidho dhawr ah la soo sameeyeen xukuumadda iyadoo qaar ka mid ah oo Hargeysa safari ku yimidna ay Madaxweynaha kala hadleen mawduucyadan.

Ilahaasi waxay intaas ku dareen in xubnaha ka tirsan Beesha caalamku ay xukuumadda soo weydiiyeen su’aalo salka ku haya sababaha loogu diidayo labada xisbi mucaarad inay qabtaan dood qaran oo salka ku haysa dimuqraadiyadda Somaliland. Sida ay ilahaasi tibaaxeen waxa kale oo ay xubnahani la soo xidhiidheen labada xisbi mucaarad oo ay iyagana dhinacooda ka dhagaysteen warbixino ah sababaha keenay inay shirkaas doodda qaran qabtaan iyo qodobo kale.

Beesha caalamka ayaa la sheegay inay ka warwarsanyihiin talaabada ka dhalan karta ismariwaaga xukuumadda iyo mucaaradka oo ah mindi mindi ku taag, waxaanay xidhiidho joogto ah la leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda.

Shirkan doodda qaran ayaa waxa hore sannadkii 2006 u qabtay UCID iyo KULMIYE, iyadoo uu halkaas khudbad ka jeediyay Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa guddoomiyihii xisbiga KULMIYE oo wakhtigaas mucaarad ahaa.

 

Xigasho: Geeska Afrika

Â