Aniga ayaa ah Wasiirkii Burco waa hadalkii Wasiir Cabdi Aw Daahir Burco ka yidhi ma Wasiir Xirsi ayaa beeniyay!

 Aniga ayaa ah wasiirkii burco waa hadalkii wasiir cabdi aw daahir burco ka yidhi ma wasiir xirsi ayaa beeniyay!
 
 MAQAAL
 
Somalidu waxay tidhaah daa waran kugu soo noqon doona lama rideeyo! tan iyo markii qaar kamida beelaha dega gobolka togdheer ay ka cawdeen dhinaca awood qaybsiga maamulka gobolka oo xukuumada siilanyo u badisay beesha uu madaxweyne siilanyo ka soo jeedo ayaa waxay kaga jawaabeen dulmigaas mudaharaad silmiya waxaanay xukuumadu ku qaabishay mudaharaad kaas inay kaga jawaabto xabad dadna ku dhintaan dadna ay ku dhaawacmaan!,
 
dhacdadaas fuusha xun ee gobolka ka dhacday waxay xukuumadu u soo dirtay xubno wasiiro ah si ay dabdemis ugu noqdaan dabkay markii hore shideen xukuumadu! waxa wasiiradii gobolka loo soo diray hor kacaayay oo gudoomiye u ahaa wasiirka xanaanada xoolaha Dr; cabdi aw daahir, mudane cabdi aw daahir inta uu geesinimo iyo isku kalsoonaan muujiyay ayuu dhex tegay dadkii mudaharaadaayay ee gadoodsanaa! waxa kamid ahaa hadaladii uu ku dejinaayay dadka cadhaysan ee uu ka dhex yidhi aniga ayaa ah wasiirkii burco ee isdejiya oo ii sheega waxaad ka cabanaysaan! wadahadal dheer ka dib waxa loo balamay in wax garadka gobolku ku kulmaan aqalka martida gobolka si cabashadooda loo dhagaysto,
 
kulankii wasiiradu la yeesheen wax garadka gobolka waxa ka soo qayb galay koox fidmo walayaal ah oo uu horkacaayay hure walanwal oo ka socday dhinaca bariga burco oo dacwad been abuura ka waday gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka guuleed daahir samatar waxaanay wasiirada ku yidhaah deen guuleed ayaa mudaharaadka ka danbeeya oo soo abaabulay ee hadaan la xidhin wixii gobolka ka dhaca anagu masuul kama nihin! dood dheer oo dhex martay koox daas hure walanwal horboodayay iyo wasiiradii waxa lagu yidhi anagu wax cadayn ah ma hayno oo muujinaysa inuu guuleed mudaharaadka soo abaabulay!,
 
waxay u muujiyeen wasiiradu koox daas inay wasiiro dowladeed yihiin maamul dowladeed oo heer gobol ahina uu jiro laakiin qolo ama qof qof soo mutay oo  qabyaaladi wado aanay hadal qof lagu xumaynayo aanay iska maqlayn! cidiise danbi ku cadaado sharciga la horkeenayo dowladuna baadhayso wixii meesha ka dhacay,
 
hadalkaasi waxa uu waji gabax ku noqday kooxdii guuleed taargedka u ahaa! nasiib daro kumay qancin sharciga dalka waxayse isu arkayeen inay ka soo jeedaan beesha uu madaxweyne siilanyo ka dhashay waxay wasiiradii ula dhaqmeen sidii iyagu ka beel ahaan ay xilkan dowladnimo wasiirada ay u dhiibteen oo ay yihiin shaqaale iyaga u shaqeeya! waxay kula hadleen wixii afkooda iyo maskaxdooda ku soo dhacay! ileen waa gardaro garab oge!, waxaan afkooda uun ka soo bixin waanu idinka qaadi doonaa xilka aad noo haysaan! waxaas oo dhana waxay u samay nayeen inay waasiiyaan xaqa ay leeyihiin beelaha gobolka la degen ee xukuumadooda ka cawday iyo inay u qaateen nidaamkii dowladnimo maqaaxi reer u shidan,
 
markii ay wasiiradii gobolka soo gaadhay ee u yimid inay xaliyaan cabashada beelaha ay dib ulaabteen ee wixii jiray dhageysteen ayay sigaara ula xidhiidheen madaxtooyada iyaga oo aan ku qanacsanayan wasiirada wixii ay kala kulmeen waxa lasoo diray wasiir xirsi isagoo la socda inuu sigaara ugu fuliyo awaamiirta ay u soo jeediyaan beesha madaxweynaha ee dowladnimadii umada ka dhaxaysay isasiisay waxa uu markiiba jeelka mardheera uu u diray guuleed oo beesha taarged u ahaa! iyada oo ciidamada argagixisada ah ee loo yaqaan RRU da loo adeeg saday qooskii iyo caruurtii guuleed oo iska hurda!,
 
tani waxay calaamad u tahay in sharcigii iyo dowladnimadii meesha ka baxday oo dalkii gacanta u galay rajiim gaara oo awoodii dalka sixun u adeeg saday! waxay xukuumada siilanyo meesha ka saaratay hanaankii xisbiyada badnaa ee ay talada wadanka ku qabsatay ee umadu usoo bislaanaysay! dalkii wuxuu u kala qoqoban yahay beelo waxa dib loogu noqday shir beeleedyadii waxa meesha ka sii baxaya is aaminkii umada ka dhaxeeyay khaasatan weliba dadka deegaanka wadaaga oo reerba reer jiq ku yahay sida reer wadal iyo reer salal, beelaha burco oo ay ku siiyaraanayso is aaminkii iyo horumarkii gobolka ee hore xawliga ugu socday!,
 
waxa meesha soo galay xukuumad wasiiradeedu kala awood badan yihiin sidii dowladii siyaad bare iyo rajiimkii u talin jiray oo koox gaara laga baqo sida maantaba burco ka dhacday ee wasiirka xanaanada xoolaha Dr; cabdi aw daahir ku dhacday ee wixii uu gobolka togdheer kala noqday aan dheg jalaq loo siin ee inta wasiir xirsi la soo diray si reer nimo ah oo cad uu guuleed jeelka madheera ugu ritay! isaga oo ka aarsanaya tii ku dhacday markii uu baabuurta tiknikada ah qoorta kaga jaray qoryaale ee xukuumadii ina riyaale jeelka madheera u dhigtay,
 
hadaba waxa is waydiin leh Dr; cabdi aw daahir ma ku shaqayn doonaa dulinimadaas intaas le,eg ee lagula kacay isaga oo shalay uun reer burco ka dhex lahaa aniga ayaa wasiirkii burco ah maantana inta uu wasiir xirsi soo dabo maro nin adoya oo aan waxba galabsan oo beel ay kazoo wada jeedaan Dr; cabdi aw daahir intuu jeelka madheera ku rito kibir ku xidho! mise waan baahanay looma bahalo cunee wuu iska casili oo wuu ka gilgilan sida quudhsiga ah ee loola dhaqmay bal aynu dhawro talaabada uu qaado Dr; cabdi aw daahir!.
 
 
Aadan Axmed Nuur

London

khuurshe11@hotmail.com