Ciidamo Kenyatti ah iyo kuwa Jubba oo aad loosoo dhoobay wadooyinka Kismaayo

image

Ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo saaka Magaalada lagu arkayo ciidamo Kenyatti ah iyo kuwa Maamulka KMG ee Jubba.

Dadka reer Kismaayo ayaa soo sheegaya in wado waliba oo kamid ah Magaalada ay taagan yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubba, iyadoo gaadiidka yar-yar ee Magaalada meelaha qaar la joojiyay halka meelaha qaarna aad loo baarayo.

Maxamed Ismaaciil Qeyre oo kamid ah saraakiisha ciidanka Maamulka Jubba ee Kismaayo, ayaa usheegay Idaacada Goobjoog in ammaanka Magaalada Kismaayo si weyn loo adkeeyay, ciidamadana ay ku dadaalayaan xakameynta amniga.

Wuxuu sheegay in ujeedka ammaanka loo adkeeyay ay tahay, maadaama Magaalada ay ku sugan yihiin wafuud kala duwan oo ka qeybgalaya xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubba iyo kuxigeenadiisa, isaga oo intaasi ku daray hadalkiisa in ilaa xalay Magaalada uu ka socday howlgalo amni.

Siyaasiyiinta gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, kuwaasi oo maanta ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubba.

Saacadaha soo socda ayaa laguwadaa in Madaxtooyada Kismaayo ay ka bilaabato munaasabada Axmed Madoobe iyo kuxigeenadiisa lagu magacaabayo.

Salaanmedia/Mogdisho