Daawo Sawirada Daahfurka Xafladii Xisbiga WADDANI Laantiisa Ottawa Oo Loo Soo Agaasimay Si Heer Sare Ah

Daawo Sawirada Daahfurka Xafladii Xisbiga WADDANI Laantiisa Ottawa Oo Loo Soo Agaasimay Si Heer Sare Ah

P1040823

Jan 7, 2014 Ottawa(SM) – Waxa bishan January 4,2014 ka dhacday magaalada Ottawa ee dalka Canada xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo iskugu jirtay daahfurka “laantii” xisbiga WADDANI  iyo wacyigelinta / dardargelinta  arrimaha xisbiga WADDANI.

Xafladda waxa ka soo qaybgalay bulshada Reer Somaliland ee deggan Ottawa qaybaheed kala duwan oo rag iyo dumarba leh,dhalliyaro iyo madaxda Community Somaliland ee Ottawa.P1040645

Waxa  madasha hadal ka soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga “laanta” Ottawa Mudane Osman Sh. Dalmar oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda xisbiga, himilooyinka iyo mabaadiida guud ee xisbiga WADDANI,gudoomiye Osman waxa kale oo si faahfaafsan uga hadlay qorshaha xisbiga ee dhaw iyo qorsha xisbiga ee fog labadaba, waxa kale gudoomiyuhu ku dheeraaday waxyaaba xisbiga WADDANI ka turjumayo.

Waxa kale oo xafladda xisbiga WADDANI ka hadlay Haji Omer Abdi Egeh oo ka mid ah odayaasha waayo arag ah ee Reer Somaliland,Haji Omer wuxu ku dheeraaday baahiyaha keenay xisbiga WADDANI ee ka mid yihiin:
P1040646
Qabyaalada soo noolaatay,Musuqmaasuqa dalka ragaadiyay,Caddaalad darrada dalka ku habsatay iyo arrimo badan oo la xidhiidha tabashada bulshada Reer Somaliland laga soo bilaabo lowyado illaa Laasanood,waxa kale oo hadlay xafladda gudoomiye-ku-xigeenka jaalliyadda Somaliland ee Ottawa mudane Aden Farah Doreh oo ka hadlay baahida loo qabo kobcinta xisbiyada Somaliland ka jira,isla markaana ay soo dhaweynayaan,dhexdhexaadna ay u yihiin dhammaan xisbiyada qaranka.Waxa kale oo xafladda ka hadlay gudoomiye –xigeenka xisbiga WADDANI “laanta”Ottawa mudane Nasir osman,gudoomiyaha garabka haweenka marwo Saado Hassan iyo gudoomiyaha garabka dhallinyarada mudane Abdillahi Ducaleh waxay dhammaantood ku dheeraadeen qorshaha guud ee xisbiga WADDANI u yaala sida la dagaallanka qabiilka ,musqmaasuqa  xidhiidhka haweenka iyo xisbiga , xidhiidhka dhallinyarada iyo xisbiga.
P1040647
Waxa xafladda xisbiga WADDANI soo  gunnaanaday xoghayaha xisbiga WADDANI “ laanta “ Ottawa, Eng. Mohamed Abdillahi Nuur oo ka hadlay mabaadiida guud ee xisbiga sida midnimada, horumarka,nabad iyo hirgelinta himilooyinka ummadda Somaliland hiigsanayso ee ay ugu horeyso Madaxbannaani taam ah iyo horumar dheelitiran oo dhinac walba leh,waxa kale oo xoghayuhu ka hadlay in xisbiga WADDANI uu taagan yahay Caddaaladda ,Sinnaansha ,Xoriyada, Waddaniyadda iyo danta guud ee dadka iyo dalka.P1040771P1040770P1040769P1040768P1040772P1040784P1040832P1040824P1040823P1040821P1040816P1040798P1040788P1040764P1040758P1040757P1040751P1040746P1040741P1040738P1040723P1040719P1040717P1040715P1040710P1040704P1040697P1040704P1040692P1040687P1040683P1040682P1040680P1040679P1040675P1040673P1040661P1040660P1040659P1040646P1040645P1040856P1040854P1040845P1040839

Alla Mahad leh,

Xoghayaha xisbiga WADDANI “laanta” Ottawa

Eng. Mohamed Abdillahi Nuur