Daawo Sawiro…Kulan casho sharafeed lagu sii sagootinaayey Xoghayaha Arimaha Gaarkaa ee Xisbiga Waddani Xuseen Assad oo London ka dhacay.

IMG_3183

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulan ka dhacay Hotel Blue Ocean ee Galbeedka London  oo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani UK  laguna sii sagootinaayey Xoghayaha Hawlaha gaarkaa ee Xisbiga Waddani Xuseen Aadan Cali (Xuseen Asad) oo Somaliland kusii jeeda.

IMG_3261

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Casho sharafta oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda xsibiga UK iyo tageerayaal kale waxa  dadkii kasoo qaybgalay ay ka hadleen hawlo fara badan oo Xisbiga Waddani ku saabsan,Xaaladda Guud ee Xisbiga,wararkii ugu danbeeyey iyo der-der-der galinta hawlaha xisbigaba.Waxa kale oo laga wada hadlay xaaladda Guud ee wakhtigan ay ku sugan tahay Somaliland.

IMG_3286

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kulanka sidasoo kale ka hadlay garabka Haweenka ee xisbiga,Gudoomiyaha Siyaasadda ee Xisbiga iyo qaar ka mid ah laamaha xisbiga ee Magaaladda London.Waxaana la isla soo qaaday sidii loo xoojin lahaa  hawlaha xisbiga ee gudo iyo dibadba.

IMG_3168

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xuseen Aadan Cali (Xuseen Assad) ayey aad  ugu mahad celiyeen der-der galinta iyo ka qayb qaadashada hawlaha dib u dhiska laamaha xisbiga Waddani ee dalkan Ingiriiska,Waxayna tahay horumar laga sameeyey dhinaca horumarka xisbiga iyo muhiimadda ay ugu fadhido in xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyo maalaha xisbigaba.

Waxa kale oo laga wada hadlay dhacdoyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay Somaliland,sida xukumada manta jirtaa ay u doonayso in ay dalka khal-khal ku abuurto iyo sidii looga hortagi lahaa arimahaas.

 IMG_3224

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeyntii Xuseen Aadan Cali ayaa aad ugu mahadceliyey dhamaan dadkii kulankan casho sharafta ah soo abaabulay,waxa uuna hadalo kooban oo ku saabsan intii uu joogay dalkan Ingiriiska iyo waxyaalihii u qabsomay,dib u dhiska laamaha UK .Waxa uu ka waramay  dhacdooyinkii dhaawaan dalka ka dhacay oo uu dusha uga tuuray xukumadda manta jirta,tasoo oo uu ku macneeyey in mudo badan oo xukumadda manta jirtaa ay 3 sano ka dib manta Caasimadii Hargaysa ay biyo la’aan la  mudaharaadayaan tasoo ceeb ku ah xukumadda maanta jirta.Waxa uu xusay in dalka la doonayo in khal-khal la galiyo si muraadka la doonayo loo fushado taasina ay tahay mid aan dhacay, Waxa kale oo uu xusay in shacabka reer Somaliland ay ka watoobaan wixii khal-khal dalka gelinaaya  nabadgalyada dalka ilaashadaan.

IMG_3278

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeystii waxa uu marlabaad aad ugu mahadceliyey kulankan casho sharafta ah ee aad igu macsuunteen aadna waad u mahasan tihiin.Mudane Xuseen Asadd waxa uu kusii jeedaa Somaliland waxaanu inbadan hawlo shaqo ah ku jogay dalkan Ingiriiska.

Waddani Media/UK   

IMG_3178 IMG_3199IMG_3283 IMG_3216

 

Â