Dhagayso..Radio CHOU Ottawa Canada oo Waraysi la yeeshay Gudoomiyaha XISBIGA WADDANI ee Attowa Canada Cismaan Sheekh Dalmar

unnamed

 

 

 

 

 

 

Waraysigii Radio-ga CHOU Ottawa iyo gudoomiyaha XISBIGA WADDANI ee Attowa Canada

Osman Sh Dalmar oo uu kaga hadlayo gudomiyuhu arimo badan

 Ottowa–Waxa bishan January 4,2014 ka dhacday magaalada Ottawa ee dalka Canada xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo iskugu jirtay daahfurka “laantii” xisbiga WADDANI  iyo wacyigelinta / dardargelinta  arrimaha xisbiga WADDANI.

Xafladda waxa ka soo qaybgalay bulshada Reer Somaliland ee deggan Ottawa qaybaheed kala duwan oo rag iyo dumarba leh,dhalliyaro iyo madaxda Community Somaliland ee Ottawa.

Waxa  madasha hadal ka soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga “laanta” Ottawa Mudane Osman Sh. Dalmar oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda xisbiga, himilooyinka iyo mabaadiida guud ee xisbiga WADDANI,gudoomiye Osman waxa kale oo si faahfaafsan uga hadlay qorshaha xisbiga ee dhaw iyo qorsha xisbiga ee fog labadaba, waxa kale gudoomiyuhu ku dheeraaday waxyaaba xisbiga WADDANI ka turjumayo.

Waddani /Media Canada