Doorashada Maamulka Puntland iyo Natiijo hordhac ah: Musharax C/raxmaan Faroole oo ku horeeyay Tirada Cododka wareega 1-aad

image

 

Musharax C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ilaa hada ku horeeyay Tirada Cododka ay xildhibaanadu dhiibteen ee doorashada musharaxiinta madexweynaha/

C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa haysta 27 cod sida natiijada hordhaca ah ay sheegayso.

Wareega 2aad waxaa isugu soo hadhay C/raxmaan Faroole 27 Cod, Cali Xaaji Warsame oo haysta 13 iyo Musharax Gaas oo hasyta 13 cod.

Guddiga Doorashada ayaa hada ku jira dhamaytirka hawshan tirinta iyo xaqiijinta codadkan waxayna daqiiqado kadib ku dhawaaqi doonaan cida isu soo hadhay wareega 2aad.

Wareega 1-aad waxaa ku hadhay Musharaxiinta kala ah:-

  1. 1.     Cali Cabdulqaadir Yuusuf
  2. 2.     Cabdiweli Maxamuud Guray.
  3. 3.     Shire Xaaji Faarax.
  4. 4.     Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke.
  5. 5.     Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar.
  6. 6.     Maxamed Cabdinuur Xirsi.
  7. 7.     Cabdidaahir Maxamuud Yuusuf Yeey.                 a   Salaanmedia/Hargaysa