Dowladda Kenya oo sheegtay in duqeyntii Gobolka Gedo ay ku dishay Khalid Abu Abdulrahman Afqani

image

Taliska Militariga ee Dowladda Kenya, ayaa xaqiijiyay in weerarkii ay ka geysteen duleedka Magaalada Garbahaarey, ay ku dileen Sarkaal u dhashay dalka Afghanistan, kana tirsan Ururka Al Shabaab oo lagu magacaabo Khalid Abu Abdulrahman Afqani.

Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa sheegay in ninkaan uu kamid noqday Saraakiishii sar sare ee Ururka Al Shabaab, ee ay ku dileen Deegaanka Kalabeydhka, maalinimadii Khamiista.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Khalid Abu Abdulrahman Afqani uu ahaa khabiir dhinac qoriga hoobiyaha ah, isla-markaana uu muhiim u ahaa Ururka Al Shabaab.

Wuxuu intaa raaciyay in qasdiga weerarkaan uu ahaa in lagu khaarajiyo Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed “Godane”, laakiin uu ka badbaaday sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkaan ay ku gubeen gawaadhi nooca dagaalka ah oo ay lee yihiin Ururka Al Shabaab, ee la dagaalanka adag kula jira Dowladda Kenya.

Dhinka kale Emmanuel Chirchir, ayaa wuxuu ku faanay in Dowladda Kenya ay xilligaan awood u lee dahay, in Saraakiisha Ururka Al Shabaab ay ku beegsato meelaha ay ku sugan yihiin.

Major Chirchir, wuxuu hadalkaan ku sheegay barta uu ku lee yahay Shabakada Twitter.

Salaanmedia/Mogdisho