Guddiga Amniga ee doorashada Puntland oo amaro culus kusoo rogay shacabka Garoowe Maalinta Doorashada .

download (2)

Guddiga Amniga ee doorashada Puntland oo amaro culus kusoo rogay shacabka Garawe Maalinta Doorashada .

War-saxaafadeed:

Xaaladda guud ee Puntland waa sugan tahay inshaa allah , Waxqabadkii wajiga labaad wuxuu noogu dhamaaday si wanaagsan waxaana u mahadcelinaynaa ciddii gacan ka geysatay sida Ciidamada Aminga oo shaqa wayn qabtay, Dad weynaha Reer Puntland iyo Door-ka Beesha Caalamaka, taa soo noo suura galisay in lagaaro Guula waa weyn.

Haddaba Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa Qorshaha iyo Howlgalka Wajiga 3aad ee ugu dambeeyey sugidda amniga doorashada Hanaanka loo shaqaynayo 6 ilaa 8 January 2014.

Guddiga amniga doorashadu markii ay fariisteen, kana baaraan dageen hawsha culus ee hortaala, waxay go’aamiyeen arrimaha soo socda:-

XIRITAANKA BARAHA LAGA HAWLGALAYA

Maalinta doorashada waxaa wadada laamiga ah laga xirayaa Galbeedka UN-ka (Guriga Abshir Cumar Huruuse ilaa barxadda weyn ee magaalada,
Gaadiidka laga celiyey wadada laamiga ee ka yimaada galbeedka wuxuu ka leexanayaa wadada Hoteel Meeraysane, sidoo kale gaadiidka ka imaanaya bariga waxaa laga leexinayaa wada Shiikh C/qaadir oo marta injida waxayna ku dhacayaan wadada 30ka
Waxaa reeban maalintaas dhaq dhaqaaqa iyo isu socodka dadka, inta u dhaxaysa baraha kor ku xusan oo ah laga bilaabo barxadda ilaa Un-ka guriga Abshir Cumar Huruuse
Waxaa la joojiyey maalinta doorashada isu socodka gaadiidka dalka oo dhan laga bilaabo saacaddu markay tahay 18:00 Jan 7, 2014 ilaa 18:00 Jan 8, 2014 Waxaa jiri doonta baro loo cayimay in lagaga dago gaadiidka iyo baro la dhigi doono gaadiidka (Parking)
Guud ahaan waxaa reeban in gaari soo dhaafo baraha kantaroolada ee la ciyimay waxaan ka ahayn ciidamada ku jira hawlgalka Waxaa reeban maalintaas in lala dhexmaro magaalada dhexdeeda istaaf masuul kasta ha watee. Waxaa la diyaariyey maxkamadda ciidamada qalabka sida si ay u qaado kiisaska dhaca xilliga doorashooyinka oo ay ugu qaado wixii fal dambiyeed gala dawlad iyo shacaba istaafyada murashaxiinta waxay ku ekaanayaan meelo loo xadiday.

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan xildhibaanada, murashaxiinta, goobjogayaasha iyo cid kasta oo lagu casumay hoolka doorashadu ka dhacayso inay baabuurtooda kaga degaan kana soo lugeeyaan meelaha loo cayimay, waxaana diyaar ugu ah s/kiisha soo dhaweynta qaabilsan

Waajibaadka ciidanka amniga goobta Doorashada

Waxaa reeban inay cidi lasoo gasho dhamaan hub, qalabka isgaarsiinta, electronic iyo ulo, wixii aan ka ahayn ciidanka amniga ee hoolka.
Waxaa reeban in wax gaadiid ah la dhigo wadada laamiga ah hareeraheeda laga bilaabo barxadda ila degaanka Un-ka.

WABILAAHI TOWFIIQ