Iska horimaad fool ka fool ah oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Brok news

Ciidamada Militariga iyo Nabad Suggida ee Dowladda, ayaa waxay caawa si xoogan isaga caabiyeen Xoogag hubeysan, oo ku soo qaaday weerar gaadmo lahaa.

Xoogagaan oo loo fishay in ay ka tirsan yihiin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa waxa ay weerar xoogan ku ekeeyeen Dhismaha Xarunta Sarta Qabyada, oo ku taala Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

Dhismaha loo yaqaano Sarta Qabyada, ayaa waxaa deggan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Heliwaa, isla-markaana Xoogagii weerarka soo qaaday, ayaa ku garaacay gantaalaha garbaha laga gano.

Weerarkaan oo isku bedelay iska horimaad fool ka fool ah, ayaa waxay Ciidanka Nabad Suggida garab ka helayn Ciidamada Militariga ee deggan Suuqa Xoolaha.

Militariga, ayaa riixay Xoogagii Shabaabka ka tirsanaa ee soo weeraray Sarta Qabyada, waxayna isku ballaadhiyeen Xeendaabka Dhismaha la weeraray iyo meelaha kale ee ka baxsan.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee deggan Dhismaha Warshaddii Barafuunka iyo Ciidamada Militariga ee ka hawlgala nawaaxiga Ex Control Balcad, ayaa sidoo kale waxay soo buuxiyeen Ex Control Balcad.

Ciidamada, ayaa xilligaan ku sugan wadadaasi, sidoo kalana waxay si raxan raxan ah ay u jooggaan wadada ka soo baxda Suuqa Xoolaha ee timaada Isgoyska SOS.

Shabaabka, ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Salaanmedia/Mogdisho