Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo xaqiijiyey in Wada hadaladii u Dhaxeeyey Somaliland iyo Somalia ay bishan Kowaad badhtamaheeda Bilaabmayaay.

flagst

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka hadlay arimo badan oo dhinacyo badan taabanaya oo uu kusoo beegay sanadka cusub ayaa ka hadlay wadahadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somalia oo uu ku tilmaamay in bisha kowaad ee sanadka cusub  badhtamahiisa ay dib uga furmayaan dalka Turkiga dhameystirka waxyaalihii lagu heshiiyey ee labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia.

Warkaa kasoo baxay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh waxa uu meesha ka Saarayaa in aanay waxba ka jirin warar la isla dhexmaraayey oo warbaahinta afka Soomaaliga ku hadlaa ay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in  wada hadaladii ay dib u furmayaan u dhaxeeyey dawladda Somaliland isaga oo shuruud ku xidhay in Somaliland ay ka noqoto midnimada ay sheeganayaan.

Weli xukumada  Somaliland dhinaceeda wax war ah kama soo saarin in ay ka qayb galayaan shirka ka dhici doona Turkiga iyo inkale,Waxa aynu ogaan doonaa dhawaan hadii Ilaahay Yidhaahdo wixii Somaliland ay ka yidhahdaan arinkaa.

Salaanmedia/Hargaysa