Shirkadda Diyaaradaha Ee Al-Carabiya Oo Shalay Si Kulul U Beenisay Inay Wada Hadal Kula Jirto Xukuumadda Somaliland……

Shirkadda Diyaaradaha Ee Al-Carabiya Oo Shalay Si Kulul U Beenisay Inay Wada Hadal Kula Jirto Xukuumadda Somaliland Sidoo Kalena Cadaysay In Aanay Qorshahaba Ugu Jirin Wada Hadalkaasi.

Picture79

Jan 19,2014 Hargeysa(SM)-Shirkadda diyaaradaha ee Al-Arabia Airlines, ayaa si kulul u beenisay inay wax wada hadal ah kula jirto xukuumadda Somaliland, iyadoo sidoo kalena cadaysay inaanay qorshahaba ugu jirin wada hadalkaasi.

Wasiirada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo ganacsiga iyo maalgashiga Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa toddobaadkii hore u ambobaxay wadanka Imaaraadka Carabta, waxaanay xukuumadda Somaliland baahisay inay labada wasiir kulamo la yeesheen masuuliyiin ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Al-Arabia, kuwaas oo ku saabsan sidii ay shirkadu duulimaadyo uga bilaabi lahayd Somaliland islamarkaana ay casriyayn ku samayn doonto madaarada Somaliland, waxaanay wasiiradu sheegeen inay la kulmeen guddoomiyaha shirkadaas.

Hase yeeshe shirkadda Al-Arabia ayaa si kulul u beenisay wararkaas ay xukuumadda Somaliland baahisay. Afhayeen u hadlay shirkadda Al-Arabia oo shalay u waramay Jariirada caanka ah ee Gulf News, ee ka soo baxda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa warkaas beeniyay. “Shirkadda Air Carabiya, waxa ay jeceshay in ay caddayso in aanay wax iskaashi iyo wada shaqayn ah la yeelan maamulka Somaliland, iyo in aanay arrin noocaas ahi qorshahaba ugu jirin hadda.” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka shirkaddaas diyaaradeed u hadlay, waxaanu intaas raaciyay, “Si kastaba ha ahaato ee, diyaaraddu waxa ay ka war haysaa in uu jiro wada hadal ku aaddan suurtogalnimada iskaashi, oo u dhexeeya Hay’adda adeegga hawada sare ee Shaariqa iyo maamulka Somaliland.”

Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa jariiradan Gulf News, u sheegay inay la kulmeen masuuliyiin ka socota hay’adda adeega hawada ee Shaariqa, hay’adda maamulka hawada Shaariqa iyo shirkadda Al-Arabia si ay uga wada hadlaan horumarka iyo hawlgalada madaarka Cigaal ee Hargeysa. Wargeyska waxa kale oo uu la xidhiidhay labadan shirkadood ee kale si uu wax uga weydiiyo warka ay Somaliland baahisay, laakiin labada shirkadood ayaan ka soo jawaabin dalabyo uu Wargeysku u diray.

Warkan ay shirkadda Al-Arabia ee diyaaraduhu ku beenisay sheegashada Somaliland ayaa wuxuu noqonayaa mid weji gabax ku ah dedaalka ay Somaliland ku doonayso inay soo jiidato maalgashadayaal caalami ah. Waxaana xukuumadda Somaliland ka muuqda deg deg faro badan oo ay xiiso ugu qabto inay mar uun gacanta ku dhigto maalgashadayaal caalami ah, waxaana soo baxaya inay wada hadalada beenoobay ku lug lahayeen dad aan xukuumadda xilal ka ahayn balse ehel la ah qoyska madaxtooyada.

Madaxtooyada Somaliland oo warkan oo maqal iyo muuqaal ah warbaahinta u gudbisay, ayaanu isku daynay inaanu wax ka weydiino warkan weji-gabaxa ah ee ka soo baxaya shirkada Al-Arabia ayaanay noo suurtogelin.

Salaanmedia/Hargeysa