Siyaasiga Mudane Maxamed Ibraahim Qabo oo shaaciyey inuu u sharaxan yahay Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye

maxamed

Siyaasiga Reer Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Qabo oo aan kulan gaban kula yeeshay xafiiskiisa ku yalaa London ayaa waraysi gaban oo uu siyey warbahinta  waxa uu u xaqiijiyey inuu u tagan yahay Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye oo uu dhawaan ku soo biiray isaga oo sheegay inuu taagero buuxda ka haysto Dhamaan xubnaha gobolka Maroodi Jeex, Iyo Gobolka Hawd isaga oo xusay in ay farxad u tahay in maanta la helay guushi gobolka Hawd oo  aan ahay ninka u tartamaya jagada Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye oo ah xisbi ay  tageero buuxda ku leeyihiin gobolka Hawd wana asaasayashii xisbiga .

Maxamed oo aan wax ka waydinay shaqooyinkii uu soo qabtay aya waxa uu noo shegay in uu ahaa Aasasayashii wasaarada cadaalada Somaliland 1991 Madaxii shuruucda wasarada cadaalada. Agaasimihii waaxda garsoorka wasarada cadalada ,Markii u danbaysana ahaa Agasimihii guud ee wasarada cadaaladda 2000kii Wuxuu wax ka sameyay shurucda Somaliland qaar ka mida sida xeerka public notoryga( nootayoyinka) Xeerka xabsiyada Xeerka midayta cashuuraha ,Xeerka Garsoorka Iyo xeerkale Wuxu ka mid ahaa xildhibanadii dawlada hoose ee Hargiesa ee 1998 ,Waxaa kaloo uu xilal ka soo qabtay ururada wadaniga ah ee Somaliland wadanka gudihiisa isaga oo ka mid ahaa asaasayashii xisbiga cadalada iyo daryeelka ee UCID ahanaa xoghayahii Arimaha Gudaha waxa kale oo aha asaasayashii ururkii Xaqsoor , Waxa kale oo tageero buuxda ka haystaa Deeganka Garoodi sida degmada Sallaxley, Cadaadley iyo gobolka Daad madheedh , waxa aan la sadaalin doonin dorashada soo socota ee xisbiga kulmiye oo qabsoomi doonta bishan aan ku jirno 21/1/2014 Hadii Illahay Yidhaahdo.

Salaanmedia/London