War Deg Deg Ah: Shirweynihii Xisbiga KULMIYE Oo Si Rasmiya Mar Kale Dib Loo Dhigay, Loona Mudeeyey Taariikhdii Madaxweyne Siilaanyo Soo Jeediyey

(SM:Hargaysa) – Shirwaynaha saddexaad ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa si rasmi ah dib loogu dhigay markii saddexaad, ka dib markii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan soo jeediyay in shirwaynaha Kulmiye dib loo dhigo.

 

 

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirwaynaha Kulmiye, Abiibakar Xaamud Jibriil, ayaa u dhignaa sidan “Shir ay isugu yimaadeen guddiga qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga Kulmiye maanta (shalay) oo ay taariikdu tahay 19.01.2014, ka dib markay eegeen soo jeedintii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), markii ay eegeen soo jeedintii Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay xaqiiqsadeen inaanay suurtoobayn inuu qabsoomo shirwaynuhu mudadii u cayinayd oo ahayd 21.01.2014. guddigu waxay go’aamisay in shirwaynaha 3-aad ee xisbiga Kulmiye qabsoomo 22.03.2014.

 

 

Allaah Ayaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada

Abiibakar Xaamud Jibriil

Â