War Deg-Dega…Badhasaab kuxigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Guleed Daahir Samatar oo lasii daayey loona qaaday Hargaysa.

GUULEED

Badhasaab kuxigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Guleed Daahir Samatar  ayaa sida Salaanmedia ay heshay xoriyadii dib loogu soo celiyey loona qaaday dhinacaa iyo Hargaysa. Warar kale oo aanu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Mudane Guleed madaxtooyadda Somaliland loo qaaday,lamana garanaayo ujeedada ka danbeysa.Waxa ay ahayd laba cisho ka hor markii goordanbe gurigiisa lagala baxay tasoo aad looga dareemay Gobolka Togdheer gaar ahaan magaaladda Burco sida aan wanaagsaneyn ee loo argagax galiyey qoska iyo caruurtiisa ay kula kaceen ciidamadda RRU.

Wixii war ah ee ku saabsan Guleed Daahir Samatar iyo xaaladiisa lasocda dhawaan Insha Allah.

Salaanmedia/Hargaysa