Warsaxaafadeed: Guuleed baan xidhay siyaasad noqonmayso, dalacaad iyo faana gelimayso!!

Warsaxaafadeed:

Guuleed baan xidhay siyaasad noqonmayso, dalacaad iyo faana gelimayso!!

Maxamed

Marka hore waxaan  aad u cambaatraynayaa  xadhiga sharci darada ah ee loo geystay siyaasi ka mida siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waa Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer, Mudane  Guuleed Dahir Samatar.

Marka labaad, Wasiiradan Xukuumadda Kulmiye oo badankoodu socod barad ku ah siyaasadda ayaad moodaa in arinkoodii dhaafi la’yahay inay  tijaabinayaan bal halka amarkooda iyo awoodooda dawladnimo gaadhsiisantahay. Waxaa ka muuqata inay ku mashquulsan yihiin heblaayo xidh, hebel hadalka u diid, hebel magaalo heblaayo inuu galo u diid, hebel xidh oo RRU ku dalbo IWM. Runtii waa ceeb iyo fadeexad ay dhex dabaalanayaan wasiirada iyo madaxda dawladda kulmiye in ay awooda qaranka u isticmaalaan in ay ku cadaadiyaan shacabka oo maalin walba aad maqlayso caruur mudaharaadaysay oo qaarkood biyo la’aan iyo haraad ka cabanayaan in rasaas lala dhaco.

Wasiiradan Guuleedbaan xidhay iyo madaxdii UCID Ayaan Gebilay u diiday   malaa u malanaya in ay faan, taariikh iyo magac   ku helayaan waxaan leeyahay, waxa aad adeegsanaysaan maaha awood aa idinku leedihiin, fahma , waa awoodii qaranka oo aad qalad u isticmaalaysaan waa ciidankii qaranka ee loogu talagalay in lagu difaaco cadawga kuwa aad amraysaan in ay xaafadaha saqda dhexe u daataan oo ay marwooyinkii reer Somaliland ee sharafta badnaa  iyo caruurtoodii ay hurdada ku weeraraan. Waa maxay baahida loo qabo in  ciidanka argagixisada loogu tala galay ay guryaha siyaasiyiinta  u daataan, Guuleed ma argagixisaa?  Hadii dembi loohaysto maxaa nidaamka sharciga ah loogu soo mari waayay?

Wasiiradan Xukuumadda Kulmiye waxaan xasuusinayaa  in awooda qaranka oo qalad loo isticmaalo ceeb mooyaane aan magac iyo taariikh lagu faano laga faa’iidin. Cidkasta oo  awooda qaranka si khaldan u isticmaasha oo u adeegsata si cadaalad darro ah si ay u gaaadho dano gaar ah ama istidhaa cid ay necebtahay kaga  aargooso, ama ciday is haayaan/tartamayaan  iskaga riix IWM,  waxay muujisaa oo keliya liidnimo, aqoon darro, daciifnimo, xishood la’aan, axmaqnimo  iyo isku kalsooni la’aan haysata  cida awooda qaranka u adeegsanaysa khaladka.

Waxay muujinaysaa in siyaasadii la’idinkaga guulaystay oo aad awoodii qaranka ee aad hayseen miciinsanaysaan. Tusaale fiican waxa ah doorashadii Degaanka iyo wixii ka dhacay.

Wasiiradan Xukuumadda Kulmiye waxa kale oo aan  xasuusinayaa  In sida qudha ee xilka dawladnimo loogu gaadho magac iyo taariikh wanaagsan  ay tahay, cadaalad iyo xaqsoor, naxariis  iyo daryeel, hogaamin iyo horumarin, debecsanaan iyo dulqaad, difaaca dalka iyo dadka, Ilaalinta iyo ku dhaqanka shuruucda dalka IWM.

Waxaan idin leeyahay sanadka aynu noolnahay waa 2014-kii, wax umada u qalma oo hankeeda, himiladeeda iyo xadaaradeeda  ka turjumaya soo bandhiga oo la yimaada. Ceebtan aad walaaqanaysaan iyo qaabkan aad wax u wadaan shacabkan xariirta  ah ma qabatee xishooda . Ogaada  dadka iyo dalkaba  idinkaa xukuma oo dawlad u ahe oo  dulmiga ka daaya. Ogaadana dalka xoog kumaydaan qabsane waa la idin aaminay oo waa la’idin doortaye, dadkuna waxay rabeen inaad dawladnimo ku shaqaysaan oo cadaalad iyo xaqsoor ku hogaamisaan.
La’idiinkama fadhiyin inaad durbaan Iskaa wax u qabso iyo mashaariic aan midqudha la dhamaystirayn dadka ku wareerisaan, dawladnimadii iyo qaranimadii 20-ka sano la dhisayayna laad la dhacdaan oo axsaabtii qaranka, golayaashii qaranka, saxaafaddii qaranka, Ciidankii amniga qaranka ee cadawga loogu tala galay, xeer ilaalintii qaranka , xoriyadii muwaadinka iyo  saxaafaddi madaxa banaanayd intaba waxa ka taagan iyo sidaa ula dhaqmaysaan lawada yaabanyahay.

La’idiinkama fadiyin in marka kalsoonida shacabka la’idiinka guulaysto inaad siyaasiyiinta mucaaradka magaalooyinka inay soo galaan u diidaan oo waraaq dhaq-dhaqaaq waydiisaan.
La’idiinkama fadhiyin in aad Qadiayada Somaliland doonyaha tahriibta la raacdaan oo Somaliya wada hadalo hoose la gashaan, axsaabta Mucaaradka iyo golayaasha qarankana kala dhuumataan.
La’idiinkama fadhiyin in aad umadda cunaha ku dhegtaan oo cushuurta ku labanlaabtaan oo wasiir waliba cashuur u gaara samaysto ilaa booyadiihi umada u dhaaminayay shaqayn kari waayaan.
La’idiinkama fadhiyin in dadkii shacabka ahaa ee xoolo dhaqatada ahaa ee soo saarayay waxa qudha ee aynu debeda u dhoofino, hadaad macnaheedaba garanaysaan, in aad cashuurta ku labanlaabtaan oo dhulkii ay xooluhu u daaqayeen badh tidhaahaan shidaal ayaa laga baadhayaa oo cagafbaa la gelinayaaye ka guura, badhna seeraa laga dhigayaa oo dawladaa qaadanaysa e ka guura. Xagaad doonaysaan inay u guuraan?

Dawladeey bal dib isugu noqda oo sidii dawlad dadka iyo dalka ka masuul ah u dhaqma.

 Allaa mahad leh

 Maxamed C/laahi Ciise

Xubin Gudiga arimaha Debedda ee Xisbiga WADDANI