Warsaxafadeed…Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey inay Lunsatay Dhaqaalihii Biyogalinta Hargeysa, Kuna Hafatay Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Iyo Farogalin Ay Ku Hayso Xisbiga UCID

Daawo Muqaal…Xisbiga Waddani Oo Xukumada Somaliland Ku Dhaliilay Shirka Somaliland Iyo Somalia Ee Loo Diiday Xisbiyada inay ka qayb galaan.

Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey inay Lunsatay Dhaqaalihii Biyogalinta Hargeysa, Kuna Hafatay Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Iyo Farogalin Ay Ku Hayso Xisbiga UCID

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarutiisa magaalada Haragsa ayaa waxaa uu kaga hadlay xaaladda uu dalku maanta maarayo gaar ahaan  siyaasada arrimaha dibadda ee xukuumada Siilaanyo, Biyo la’aanta Hargeysa Iyo Farogalinta ay xukuumaddu ku hayso Xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID.

Waxayna si xoggan u dhaliileen siyaasadda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya ee ay sheegeen in uu noqday  mid hoos u dhac wayn ku keenay meeqaamkii Somaliland ee qarannimo ee ay Somaliland ku  lahyd caalamka iyo bulshadeedaba.

Ugu horayna waxaa madashaas ka hadlay Xoghayaha arimaha gaarka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xuseen Aadan Cali (Asad) waxana uu sheegay xoghayuhu  in xukuumadda haatan jirtaa ee mudada sadexda sano jirtay ay ku hafatay “Sidaynu ognahay siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda hadda jirtaa  sadexdii sanno ee ay joogatay  way ku hafatay wayna jihayn kari wayday  siyaasadii arrimaha dibada ee Somaliland”.

Sidoo kelana waxaa uu xoghayuhu ka hadlay sida ay u arkaan wadahadalada u socda Somaliland iyo Somalia isgoona arrimaas ka hadlaya ayuu wuxuu yidhi “markaan soo qaato arrinta wadahadalada Somaliland iyo Somaliya xukuumaddu way dhex fadhiisatay  waxaa hoos u dhac weyn ku yimid meeqaamkii Somaliland   ee qarannimo ee aynu caalamka ku lahayn iyo kii shacabka dhexdiisa aynu ku lahayn,  waxana hoos u dhac weyni ku yimid gooni isku taagii Somaliland intii xukuumaddu wadahadalada la gashay Somaliya  waxaad ogtihiin in dawladda Somaliya ay ka soo yeedhay in aanay wax wadahadal ah la galaynin Somaliland  ilaa iyo inta ay ka tanaasulayaan gooni isku taagooda xukuumadda Somalilandna waxay arrintaasi kaga jawaabtay waxaanu la hadalnay madaxwaynihii arrintaas dib baa naloogu dhigay” ayuu yidhi xoghayuhu

Dhanaca kale waxaa uu xoghayuhu uu sheegay in guddida wadahadalka u matalaysey Somaliland ay in muddo ah ku sugnaayeen magalaada Adis ababa ee dalka Ethiopia  ay  u tageen siminaar lagu baranayo qaabka fadaraaliisamka ee Somaliya arrintaas isagoo ka hadlayana waxuu yidhi “waftigii Addis ababa joogay ee xukuumadeenu waxay xaqiiqadu noqotay  xogtiisana aanu ku haynaa in ay u tageen siminaar lagu baranayo fadaraalka Somaliya, ka bacdina ay waftigeenii ay u huleeleen dalka Tukriga oo aanay cidi kaga horayn dawlad dhisan oo Somaliya-na aanay jirin oo dhawaan la magacaabay raysal wasaare cusub oo aan isna wali soo magacaabin xukuumadiisa”

Sidoo kale waxaa isna madashaas ka hadalay xogahayaha qorshaynta ee Xisbiga mucaridka ah ee WADDANI Md. Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyoraac) waxaana uu ka hadlay biyaha la’aanta magaalada Hargeysa  waxaana  uu shegay  in wax lala yaabo ay tahay 50 miliyan ee doolar ay ku filnaan wayday biyo galinta caasimada Hargaysa  waxaana uu maareeyaha uu kula taliyey in  aanu ka hadal ama aanu isku difaacin siyaasad balse looga fadhiyo in aad umadda waraabiso oo aad wax u qabto maadaama oo uu yahay masuulkii ugu sareeyey ee xukuumada u qaabilsanaa arintaas  isgoo arrintaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “waxaanu leenahay  50 milyan oo doolar  umadda u sheeg halkay gashay  ma hargaysa biyo ugu filnaan wayday ma bunbay (Bombay) ayaad biyo galinaysay mise hargaysa”

Waxan uu xoghayuhu uu kula taliyey in uu xilkaas uu iska casilo haddii aanu qaban karaynin “waxaa lagaa rabaa in aanad siyaasadayn ee umaddan jilcsan ee biyo la’aantu hayso aad biyo siiso hadii kale oo aad masuultahay waa in aad xilkaas iska casisho  umadda cid kale oo waraabin kartaa ha u timadee”

Ugu dambaynna waxaa madashaas ka hadlay Xoghayaha Warfaafinta ee xisbigaas WADDANI Md. Maxamed Xasan Dirir waxaana uu sheegay In xukuumadda Siilaanyo uu hogaaminayo ay farogalin qaawan ku hayso xisbiga UCID  kuna talo jirto sidii ay u baabin lahayd Dimuqraadiyadda Somaliland “Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo dawladdii tan ka horaysay ee Daahir Riyaale lagu tilmaami jiray dawlad soo dhistay dimuqraadiyadda Somaliland, xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo waajib ayaa loogu lahaa oo dastuurka qaranka iyo xeerarka ka farcama ayaa farayey ilaalinta dimuqraadiyadda Somaliland, waxaana astaan u ah dimuqraadiyadda saddex Xisbi Qaran oo uu ka mid yahay xisbiga UCID, waxayu wada oganahay  in xukuumada Siilaanyo ay u qalab qaadatay in ay burburiso xisbiga UCID oo ay faragalin qaawan ku hayso oo hantidii umadda ay u adeegsanayso, waxaa nasiibdarro ah in xukuumadda Siilanyo ay  u badheedhay in ay noqto xukuumaddii baabisay dimuqraadiyadda Somaliland, xisbiga UCIDna wuxuu ka mid yahay astaamaha dimuqraadiyadda somaliland” ayuu yidhi.

 

Salaanmedia/Hargaysa