Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade oo ka war-bixiyay halka uu marinayo xalinta shaqaaqo ka dhacday Sool.

 

January 16th, 2014 

warancade

HARGEYSA (SM)-Weftigii uu hogaminayey wasiirka wasaradda arimaha gudaha ee JSL Md Cali Maxamed warancadde oo weli gobolka Sool u jooga hawlo dhinaca nabadaynta ah oo laga dhex wado laba ardaa oo deegaankaasi wada dega oo dhowaan iska hor’imaad dhimasho keenay ku dhexmaray deegaanka docollaha ee W/galbeed Gobolka Sool ayaa maanta ka warbixiyey halka ay u marayso hawshoodii nabadayntu.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in labadii dhinac ee dhexdhexaadinta laga dhex waday ay qaateen nabadda, bulshadii labada beelood-na ay is dhex galeen oo ceelasha laga wada cabbayo, maantana la qaban doono munaasabad lagu dhaarinayo odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, si loo gudo galo waxyeeladii dhacday iyo xallinteedii taasoo loo saari doono guddi dhamaystirta.

Wasiirka arimaha guduhu waxa uu u soo jeediyey dadweynaha deegaanadaasi in laga digtoonaado in marka wax dhacaan la iskula yaaco, isagoo kula dardaarmay in maskaxdu shaqayso oo khasaare haduu yimaado laga hortago inta uu yar yahay.

Md warancadde wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ee Somaliland waxa uu uga mahadceliyey waxgaradka labada dhinac sida ay ugu hogaansameen hawsha nabadaynta, isagoo sidoo kalena ku boorriyey ciidamada ammaanka sida ay ula shaqeeyeen gudiyada nabadaynta iyo kaalinta y ka qaateen adkaynta ammaanka gobolkaasi

Dhinaca kalena odayaal iyo waxgarad ka tirsan labada ardaa oo maanta u waramay idaacadda Radio hargeysa ayaa caddeeyey in ay si rasmi ah nabadda u qaateen diyaarna u yihiin xal laga gaadho dhibaatadii dhacday, maadaama ay yihiin dad wada dhashay oo aan kala maarmi Karin.

Salaanmedia/Hargeysa