Xukuumada Kulmiye Waxaan Xasuusinayaa in ay Mari doonto meeshii ay martay Xukuumadii UDUB hadii ay ka war wareegto in ay qabato doorashooyinka; Mukhtaar Murre Warsame-Afhayeenka Xisbiga Waddani USA.

photo

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Laantiisa Maraykana Mudane Mukhtaar Murre Warsame ayaa si qoto dheer uga hadlay halka ay marayso doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhaacaan sanada 2015 oo ay ka hadhay oo kali ahi sanad iyo dheeraad Sidaana Waxa uu kaga hadlay Qoraal uu ku Saxeexan Yahay oo Naga Soo Gaadhay. Warsaxaafadeedkan ayaa u dhignaa sidan;

 

Marka ugu horaysa waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaan. Waxaan kaloo aad u salaamayaa dhamaan madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Waddani meel kasta oo ay joogaan. Intaa ka bacdi waxaan rabaa in aan manta ka hadlo dhawr arimood oo kala ah; Arimaha Dibedda, Arimaha Gudaha, Nabad Gelyada, Puntland, Doorashooyinka, iyo arimo kale oo badan.

 

Arimaha Dibeda:

 

Ilaa iyo markii la aasaasay Somaliland, waxa ay xukuumadihii kala danbeeyeen ku dedaalayeen in Somaliland ay qadiyadeeda ka iibiso caalamka waxa sidoo kale ay albaab xadiid ah iskaga xidheen la macaamilka Somalia oo ay u arkayeen in aanay waxa faa’ido ahi ku jirin. Hadaba, markii la doortay xukuumadan manta talada haysa ee Kulmiye waxay majarihii ka duday qaabkii ay u socotay Wasaarada arimaha dibedu. Waxa markiiba lagu talaabsaday in la furo in xidhiidh lala sameeyo Somalia, waxa daaqada ka baxay xidhiidh dhaw oo aynu la leenahay wadamo faro badan oo caalamka ah, waxay shaqadii wasaarada arimaha dibedu ku soo kooban tahay oo kali ah shirkado shidaal iyo ganacsi taasi oo u muuqata in ay xukuumadu aanay dan ka lahayn oo aan ahayn in ay kharash ku uruursato kuna maxaafsato wasaarad loogu talo galay in ay qadiyada Somaliland caalamka ka iibiso kuna shaqaysa cashuurta dadka tabaalaysan ee reer Somaliland.

 

Arimaha Gudaha:

 

Tan iyo intii ay xukuumada kulmiye la wareegtay Xukunka waxa maalinba maalinta ka danbaysa soo xumaanayay isku xidhnaanta iyo midnimada dadka reer Somaliland. Waxa ay xukuumadu bilawday in ay soo noolayso qabyaaladii oo ay shacabka reer Somaliland aaseen labaatan sano ka hor. Waxa ay xukuumadu ku guulsan kari wayday in ay hanato isla markaana ay ilaaliso xuquuda muwaadiniinta reer Somaliland ee degan darafyada ama beelaha darafyada oo aad moodo in uu marayo heerkii ugu xumaa xidhiidh ay la lahaayeen Dawlada Somaliland tan iyo intii dhidibada loo taagay 1991kii. Waxa muuqata in Xukuumadu ay dayacday isla markaana aanay wax xal ah soo bandhigin wixii laga yeeli lahaa ama loo maarayn lahaa fur furanka qabyaalada ku salaysan ee ku baahaya Somaliland.

 

Nabadgelyada:

 

Nabad gelyadu waa shayga kali ah ee aynu ka iibino caalamka isla markaana waa hantida kali ah ee ay Somaliland ku faanto. Tan iyo intii ay Xukuumada Kulmiye xukunka la wareegtay waxa maalinba maalinta ka danbaysa gacanta ka sii baxaysay nabad gelyada oo ahayd shayga ugu muhiimsan ee ay Somaliland ku faanto. Waxa markii ugu horaysay ka dhacay Somaliland in laysku dilo oo qabaa’il loo kala safto tan iyo 1997kii. Waxa shaqaaqooyin ay ka dheceen Ceerigaabo, Ceel-Bardaale, God heeli iyo meelo kale oo badan. Waxa markii ugu horaysay dhacay in doorashooyin rabshado wata oo ay dad ku dhinteen gaar ahaan Magaalooyinka Saylac iyo Hargeysa. Waxa dawladu ay laysay dad shacab ah oo mudahraadaya magaalooyinka Hargeysa, Burco, Saylac soona noqnoqday. Waxa faraha ka baxay amaankii magaalooyinka waaweyn waxaana soo baxday tuug dadka dhacaysa oo ka qaadata mobilada iyo lacagta. Waxa markii ugu horaysay aad sare ugu kacay danbiyada labadii sano ee ugu danbaysay marka loo eego sanadadii ka horeeyay sida dilka. Waxa faraha ka baxay kufsiga ayna markii ugu horaysay ka dhacdo kufsi wadareed ka dhaca Somaliland. Waxa isa soo taraya mudahraadada rabshadaha wata oo aan hore u jiri jirin. Waxa ay dawladu si xun oo aan sharciga waafaqsanayn u isticmaashaa ciidanka RRU oo dadka habeenkii u dhaca sida argagaxisada isla markaana ku abuurtay shacabka in ay ka aaminka baxaan la shaqaynta ciidamada amniga. Waxa markii ugu horaysay lagu arkay Somaliland isku day la doonayo in lagu dilo madax sar sare oo ay ka mid yihiin Muj. Maxamed Kaahin, Xildhibaan Qabile, iyo Gudoomiyihii maxkamada Gobolka Hargeysa oo la dhaawacay taasi oo ah arin aad u halis ah isla markaana aan hore u jiri jirin. Waxa markii ugu horaysay Somaliland lagu xusay in aanay aamin ahayn warsaxaafadeedyo ka soo baxay wadamo aynu saaxiib dhaw nahay sida ingiriiska oo laba jeer ka digay in aanay amaan Somaliland ahayn. Waxa ay shaqadii dawladu ku soo ururtay kala qaybinta iyo ka dhex ugaadhsiga iyo iska ilaalinta xisbiyada qaranka waxaanay ilawday shaqadii ay qaranka u haysay.

 

Puntland:

 

Sida aynu ka war qabno waxa Puntland ka dhacay isbadal siyaasadeed. Waxa majaraha puntland u qabtay siyaasi cadaystay meesha uu ka taagan yahay cilaaqaadka ama xidhiidhka uu la yeelanayo Somaliland oo ah in uu dagaal la geli doono islamarkaana sheeganaya gobolo ka mid ah Somaliland. Waxa waliba intaa dheer in uu shaaciyay istiraajiyadii uu u mari lahaa. Dawlada Somaliland ilaa hada may cadayn waxa uga meel yaala. Dawladu waxa ay shaqadii arimaha gudaha ku soo koobtay in ay iska ilaaliso xisbiyada qaranka iyadoo aynu ognahay in ay sheegatay in ay ku lug lahayd doorna ku lahayd doorashadii Madaxweyne Xasanka Muqdisho, su’aashu waxay tahay, tolow ta Puntland ayaaba ka muhiimsane maxay door uga qaadan wayday?

 

Doorashooyinka:

 

Sida aad ogtihiin Waxa la qoondeeyay in ay dhacaan doorashooyinkii baarlamaanka iyo tii madaxtooyada Sanada 2015ka fooda inagu soo haya. Dawladu ilaa iyo hada ma ay qaadin talaabo loogu diyaar garoobayo. Iska daa in ay u diyaar garawdee waxay caqabad ku tahay in ay fulaan wixii ay ku heshiiyeen sadexda xisbi. Waxa kale oo ay si cad beesha caalamka iyo kuwo fundgareeya doorashooyinka Somaliland ku tidhi iska daayo anagaa ku filane. Taasi waxay ku tusaysaa in ay dawladu xitaa beesha caalamka ay u jarto xidhiidhka isla markaana ay rabto in Somaliland ay qol yar ku soo xidhato. Waxa iyaduna xusid mudan in ilaa hada ay dawladu kala saari waydo diiwaangelinta doorashada iyo diiwaan gelinta madaniga ah. Diiwaan gelinta doorashadu (voter registration) waa kaadhka uu qofku ku codaynayo qasabna kuma ah in ay qaataan waxaana qaadanayo oo kali ah dadka codaynaya wakhti kooban oo ah wakhtiga doorashooyinka. Diiwaan gelinta madaniga ahi waa mid lagu diwaan gelinayo dhamaan shacabka reer Somaliland oo lagu xaqiijinayo muwaadinimada waana mid aan wakhti go’an lahayn oo had iyo jeer socota. Hadaba waxaad moodaa in ay dawladu cagaha jiidayso oo aanay rabin in ay doorasho dalkan ka dhacdo isku kali la’aan awgeed. Waxaynu ognahay in dhibaatooyin ay inaga qabsadeen doorashooyinkii ugu danbeeyay ilaa iyo hadana lama samayn daraasayn layskaga ilaaliyo si aanay u dhicin wixii dhacay. Waxaynu la soconaa in doorashooyinkii ay ka hadhay mudo sanad iyo badh kali ahi islamarkaana aan la hayn tubtii loo mari lahaa. Waxaan Xukuumad u soo jeedin lahaa in ay ku quus qaadato meeshii ay martay Xukuumadii UDUB markii ay ka war wareegtay in ay doorasho dhacdo.

 

Waddani/Media USA