Daawo Muqaal..Cambaarayeen tallaabada ay Xukuumaddu kula Kacdey Wargayska Madaxa Banaan ee HAATUF

Cambaarayeen tallaabada ay Xukuumaddu kula Kacdey Wargayska Madaxa Banaan ee HAATUF .]

Suxuufiyiinta Somaliland ee Fadhigoodu yahay Magalada London  ayaa waxay aad iyo aad u cambaarayeen tallaabada ay Xukuumaddu kula Kacdey Wargayska Madaxa Banaan ee HAATUF oo ka soo baxa Caasimadda Hargaysa ee Somaliland. Suxuufiyiinta Somaliland ee UK ,waxaay arrintan ku sifeeyey arrin ay Xukuumaddu ku Cabu-dhinayso kuna cabsi galineyso Saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland, taasi ooy sheegen inay meel ka dhac ku tahay Xariyatal-qawalka iyo Xoriyada Qofka Muwadinka Somaliland.

Suxuufiyiinta Somaliland ee UK oo Warsaxaafadood kooda ku sheegey sida Hoos ku qoran. Waxaan ka Xunahay tallaabada ay Xukuumaddu kula wareegtay Xarunta wargayska HUBAAL  iyo HAATUF MEDIA GROUP, taasoo baal-marsan tahay Xariyatul-qawalka iyo Xoriyada Qofka Muwadinka Somaliland.

Haday saxaafadu gafsameysey waxaay aheed in ay maxkamada dacwada ka furato oo u gudbiso waxaay ka cabanayaan ,maxkamadana looga yeesho wargeyska haatuf oo la yidhaa maqalkan aad qortey cadee,markaa haduu cadeen waayo markaa wixii waajib ah la mariyo hadeey xadhig nogoto ama ganaax nogoto oo wada joogo.laakiin waxaa khalad ah in ciidamado la soo dhoobo xafisyada shaqadu ka socoto oo la yidhaa ka soo dareera.

Daawo Barnamijkan  aan ka Diyaariney Labadan Muwadin Cadani iyo Subeer ee Nool Magalada London.

Salaanmedia/London