Daawo Muqaal: Dilkii Ugu Naxdinta Badnaa Oo ka dhacay dalka Denmark..Wiil Soomaaliyeed oo hooyadii ku dilay dalka Denmark.

Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay dalka Denmark ka dib markii uu wiil dhalinyaro ah uu hooyadiis si arxan daro ah uu u dilay oo mindi ula dhacay xilli ay guriga kula sugnaanyeen ilaa iyo 6 caruur oo walaalihiis ah kuwaas oo maqlaayey qeylada iyo cabaadka ka baxaayey hooyadood xilli uu wiilkeedu uu mindida la dhacaayey.


Dhacdadaan naxdin iyo argagax leh oo ka dhacday xaafad ku taala waqooyiga magaalada Copenhagen ee caasimada dalkaas Denmark ayaa waxaa la sheegay in wiil lagu magacaabo Fu’aad Maxamed oo 20 sano jir ah uu si arxan daro ah uu u dilay hooyadiis oo la sheegay inay da’deedu ahayd 42 sano jir.

Wiilkaan ayaa hooyadiis waxaa uu dhowr jeer si xun ula dhacay mindi iyadoo ay wiilka iyo hooyadiis ay qol ku wada sugnaayeen, Laakiin caruurta la dhalatey wiilkaas oo qolka banaanka ka joogaya ayaa waxay maqlayeen cabaadka iyo qeylada ka dhacaysay hooyadood iyadoona markii uu wiilkaas dilay hooyadiis uu goobtaas ka baxsaday oo uu cararay, Gabadh ka mid ahayd gabdhaha la dhashay wiilkaas ayaa waxay ugu gashay qolka hooyadeed oo uu dhiigu korkeeda wada qariyey iyadoo ay hooyadu ay isla goobtaas ay ku geeriyootey.

Waa geeri aduunka iyo dadka Soomaalida ahba ka yaabiyey tasoo la odhan karo waa cawaaqib xumadda laga dhaxlay dalalka reer Galbeedka oo dad fara badan oo Soomaali ahina usoo ham iyo dig leeyihiin inay wadamadan dhacdooyinka noocan oo kale ahi ka dhacaan ay usoo nolol doontaan,Illaahay ha u naxariisto hooyadaa dhimatay ee wax ay galbsatay aanay jirin.

Salaanmedia/London

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUQAALKA.