Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maalmihii La Soo Dhaafay Ku Sugnaa Magaalada Kismaayo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho(SAWIRRO)

gaashaan57Apr 19,2014 Muqdisho(SM)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Dr. Cabdi Weli Sheekh Axmed Ra’iisul wasaaraha dalka oo dadaalo nabadeed ka dhex waday beelaha wada dega Kismaayo ayaa saakay soo gabo gabeeyay socdaalkii uu ku tegay magaalo madaxda gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo, kaddib markii uu ku guuleystay wadahadalladii nabadeed ee uu ka waday halkaasi.

IMG_1474Ujeedada wadahadallada uu Ra’iisul wasaaruhu la lahaa qeybaha bulshada iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa aheyd sidii loo ballaarin lahaa maamulka islamarkaana meesha looga saari lahaa wixii khilaafaad ah ee jira.
IMG_1491
Kulankii ugu dambeeyay ee Ra’iisul wasaaruhu ku dhex dhexaadinayay dhinacyada wadahadalka loo qabtay ayaa waxaa ka soo baxay go’aanno ay ka mid ahaayeen In dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada dibna loo tababaro, in hanaanka geedi socodka nabada si wada jir ah looga shaqeeyo, in la magacaabo guddiyo labada dhinac ah si loo dardar geliyo shirweynaha nabada ee la qorsheynayo in loo qabto bulshada degmada Jubbooyinka iyo Gedo.
IMG_1496
Mudane Cabdiweli iyo Wafdii la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, xubno ka socday maamulka Gobolka iyo dadweyne aad u fara badan.
IMG_1504IMG_1504
Ra’iisul wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in socdaalkii ay ku tegeen Kismaayo , isaga iyo wafdiga uu hogaaminayay ay ku soo idlaaday guul.IMG_1505IMG_1507IMG_1509