Baaq ka soo baxay ururka Bancade iyo Karamaan Foundation oo ku wajahan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland

Baaq

Baaq ka soo baxay ururka Bancade iyo Karamaan Foundation oo ku wajahan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland kaas oo ku saabsan xaalada waxbarasho ee cakiran ee ka taagan dusiga sare ee degmada ceelafweyn .

Dhalinyarada iyo aqoonyahanka ku baahoobay Ururka Bancade iyo karamaan ee xaruntiisu tahay caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa waxa uu baaq udirayaa xukuumada somaaliland gaar ahaan wasaarada waxbarashada iyo taclliinta sare baaqaas ayaa waxa uu ku wajahanyahay islamarkaana uu ka dareen celinayaa xaalada qalafsan ee ka jirta dugsiga sare ee dagmada ceel afweyn oo aad moodo inaanay wasaarada wax barashada ee heer gobol iyo heer qaranba aanay wax wara ka hayn xaalada cakiran ee ka taagan degmada iyo waxbarashadeeda.

Hadaba dhawaan ayey ahayd markii rabshado qabilaysani ay ka bilaabmeen dugsiga sare ee dagmada Ceel afweyn taas oo uu masuuliyadeeda lahaa gudoomiyaha wasaarada waxbarashada ee degmada Ceel afweyn kadib markii uu arday ka tirsan ardayda dugsi dhigata uu baaskoolad ku qabtay 27-october-2014 hadana mar labaad uu isticmaalay hubkii 19-november-2014 gudoomiha degmada u jooga wasaarada waxbarshada, taas oo aan sababteeda la garanayn illaa hada, waxaa kale oo hada ka soo cusboonaaday dusiga sare iska hor imaad u dhexeeya ardayda dhigata schoolka taas oo keeni karta in ay horseedo isku dhac ka dhex qarxa dadka deegaan ka iyo waxbarashada oo joogsata, sidaad darted waxa aan baaq halkan uga diraynaynaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo arrimahani hoos yimaadaan,dhanka kale waxa aan baaq u diraynaa bulshadda deegaamadaas ku Dhaqan ee Ururka Dhalinyaradda Bancade iyo karamaan deegaan ahaan ka soo jeedaan..

Waxaa dhawaan ka dhacay dugsiga sare ee degmada ceel afweyn isku dhac qaabiilaysan oo uu masuul ka yahay masuulka wasarada waxbarshada u jooga degmada kaa oo aad moodo inuu caadaystay mudadii uu meesha joogay jaafaa jiriqa ardayda iyo isqab qabsiga caadifadaysan ee uu la dhexgalay ardayda walaalaha ah ee dugsga wax ka wada barta, halkii laga filaayey inuu ka shaqeeyo horumarka waxbarashada degmada waxaad moodaa inuu masuulku u haysto xilkiisa isku dirka iyo u hanjabida ardayda dugsiga wax ka barta, oo uu garan layahay wixii loo igmaday.

BAAQA KU WAAJAHAN WASAARADA WAXBARASHADA JSJ

Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland waxa aan ugu baaqeynaa qodobadan hoos ku xusan :
1. In wasaaradu faragalin degdega ku samayso muranka ka aloosan dugsiga sare ee degmada ceel afweyn si ay u ogaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dugsa sare.

2. in wasaarada waxbarashadu wax ka qabato tacadiga joogtada ah ee maamulka meesha joogaa ku hayaan ardayda dugsiga .

3. In wasaarada waxbarashadu dabagal ku samayso hubka maalin walba lagu qabanayo ardayda dugsiga ee loogu hanjabayo .

4. In wasaarada wax barashadu si degdega ku xaliso khilaafka soo noq noq day ee uu masuulka ka yahay maamulka waxbarashada ee degmadu .

BAAQ KU WEJIHAN BULSHADA DEEGAANKA

Waxaa Ururku sidoo kale baaq u jeedinayaa bulsha weynta ku dhaqan deegaanka ceel afweyn :
1. In bulshadu ay ogaadaan inay iyagu leeyihiin dalka iyo dugsiga sare ee aanu lahayn shaqsi ee ay ilaashadaan nabgalyad iyo kala danbayntooda .

2. In ardayda iyo bulshaduba gacmaa is qabsadaan si ay uga guulaystaan isku dhufashada qaawan ee uu kula dhexjiro maamulka waxbarashada ee degmadu .

3. In ardayda iyo bulshada deegaanku ka waantoobaan qabyaalda iyo qabiilaysiga oo aan waxba lagu helin waxay dumiso mooyaane

4. in ardaydu ilaashadaan mustaqbalkooda kana gudbaan isku fiirsiga iyaga ka dhexeeya una hogaan samaan sharciga iyo kala danbaynta.

Dhamaad…..

Gudoomiyaha Ururka Bancade iyo Karamaan

Dr. Ahmed Mohamoud Jama
drahmed.am27@gmail.com

Tell: 063 4487613

WABILLAAHI TAWFIIQ