C/raxmaan C/shakuur oo goor dhow laga sii daayey Xabsiga iyo Wararkii ugu dambeeyey..20.12.17

C/raxmaan C/shakuur oo ah siyaasi mucaarad ah oo u xirnaa muddo 3 cisho ah dowlada Somalia ayaa warar goor dhow oo saqdii dhexe ee caawa soo baxay waxay sheegayaan in laga saaray xabsiga ciidanka NISA ee godka Jilacow oo uu ku xirnaa.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku xaqiijiyey sii daynta. C/raxmaan C/shakuur

“Ugu danbeyn Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxey, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo, Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in C/raxmaan C/shakuur lagu sii daayey damiin, iyadoo arintan ay ka dambeysay kulamo lagu sii deynayo oo ay maanta illaa caawa ay isugu yimaadeen madaxda dowlada, Wasiiro, xildhibaano, Siyaasiyiin iyo waxgarad kale kuwaasoo looga hadlay sidii sii deyn lahaa siyaasigan.

Kulamadan oo ahaa kuwo aad u adag oo laa isku dhaafsaday doodo aad u kulul ayaa sababay in la sii daayo, iyadoo aan la ogeyn maxkamadayntiisa oo beri loo balansanaa ay dhici doonto iyo in kale.

Dowlada Somalia oo horeyba ula daalaa dhaceysay xal u helida mashaakilaad wejiyo kala duwan leh ayaa hadda u muuqata iney lugaha la gashay dhiiqo siyaasadeed cusub oo ku sii kordhiyey culeyskii awalba heystay.

Dadka falanqeeya Siyaasada Somalia ayaa sheegaya in talaabada ay dowladu ku xirtay Shakuur ay fursad dahabi ah u noqotay siyaasiyiinta mucaaradsan oo hadda bilaabay iney fursadaas uga faaiideystaan abaabul iyo kacdoon cusub oo ay ku kiciyaan baarlamanka si madaxda sare ee dalka talaabo adag looga qaado.

Shacabka Muqdisho oo ku soo daalay xiisadaha siyaasadeed ee noocan ah ayaan xiise u qabin xasaradan hadda taagan oo marka la isku soo duuduubo salka ku heysa damac Siyaasaadeed iyo fulinta dano shisheeye oo lagu khalkhal gelinayo hanaanka dowladnimada Somalia.