Siyaasi Cali-guray Oo Muuse Biixi Ka Difaacay Eedda Mucaaradka Ee Ku Saabsan Imaatinka Wasiirka Reer Somaliya Ee BADHAN Yimid. January 5, 2018

Siyaasi Cali-guray Oo Muuse Biixi Ka Difaacay Eedda Mucaaradka Ee Ku Saabsan Imaatinka Wasiirka Reer Somaliya Ee BADHAN Yimid.
January 5, 2018

Cali-guray
WAABA LAX BAA LAGAA YIDHI!
Horta kala baro dhulkaaga inta maamulka Somaliland uu gaadhay ee dawladda Somaliland ay ka taliso iyo inta aanu well gaadhin ee ka baxsan, ilaa iyo hadda gacanta dawladda Somaliland. Magaalooyinka Badhan, Laasqoray, iyo Dhahar midna kamuu jirin kamana jiro maamul Somaliland ahi side daraadeed mahaa wax lala yaabo in wasiir Somalia ah oo weiba ka soo jeeda degaamadaasi uu booqasho ku soo gaadhi karo. Degmada Badhan qaybo ka mid ah waxa ka dhacday doorashadii Madaxtooyada sida Hadaaftimo iyo Yubbe halka dhamaan degmooyinka Sool oo dhan ay doorashadu ka qabsoontay, gaar ahaan Laascaanood, Xudun, iyo Taleex oo iyaga ay ahead mark ugu horaysay. Waxa aanu maamulka Somaliland ilaa hadda ka jirin afar degmo oo ka mid ah 23ka degmo-doorasho ee dalka ka kobben yahay waana sedexda aan sheegay iyo Degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer halka 19ka degmo ee kaleba ay gacanta Somaliland ku jiraan dawladda Somalilandna ay ka taliso. Markaa dhaliisha mucaaridka sidii dhidar onkod kiciyay ah waxan leeyahay waaba lax baa lagaa yidhI.
Siyaasi Cali-Guray