Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi Diray Boqorada Denmark Oi Ninkeegu Geeriyooday Feb 15, 2018

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi Diray Boqorada Denmark Oi Ninkeegu Geeriyooday

Feb 15, 2018 Hargeysa (SM) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Boqorada waddanka Denmark ka Tacsiyeeyay Geerida ku timi Ninkeedii oo dhawaan geeriyooday.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yidhi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, shacbiga iyo boqortooyada Dalka Denmark, ka dib geerida ku timid Prince Henrik oo ahaa sayga Boqorada dalka Denmark, boqorad Margrethe” .
muuse