Xulka K/Cagta Junyorka Somalia oo u gudbay finalka Koobka Bariga & Bartamaha Afrika..April 25.18

Xulka Qaranka kubada cagta ee dalkeena Soomaaliya ee ay da’doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa gaaray finalka koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA oo ka socda dalka Burundi ka dib markii ay galabta ka adkaadeen xulka junyorka Ugnadha oo ciyaar semi final ah ay isaga hor yimaadeen.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay qaybtii hore bar-baro, iyadoo Xulka Ugandha oo rigooro helay ayaa waxaa ka qabtay gool-hayaha Xulka Soomaaliya.

Qaybtii dambe markii la isku Soo laabtay, ayaa Soomaaliya waxay heshay gool Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Soomaaliya oo sidaas kama danbeysta tartanka iskaga xaadirisay.

Soomaaliya waxa ay kulanka kama dambeysta la dheeli doontaa Tanzania oo iyadu soo reebtay Kenya.

Waa markii ugu horeysay muddo 28 sano ah oo Soomaaliya ay gaarto kama dambeysta tartankan, iyadoo Soomaaliya ay ka soo adkaatay dalalka Ugandha,  Kenya iyo Xulka Itoobiya oo ganaax looga qaaday dhibcaheeda kadib marka ay ciyaartii dhaxmaratay Soomaaliya soo safeen Ciyaartoy ka weyn da’da 17 jirka.

Soomaali badan ayaa guushan la yaabay halka qaar kalena ay rumeysan la’yihiin, maadaama Xulka Somalia ee ka geyb gala tartamada dibeda looga bartay guuldarooyin isdaba joog ah daraasiin goolal ah iney dalka kula soo laabtaan.11