Tacsi:Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Weriyahii Caanka ahaa Marxuum Yooni Cali Nuur..July 20.18

B749F610-6AEA-4851-8E90-BF60FC241FA4Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Weriyahii Caanka ahaa Marxuum Yooni Cali Nuur Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada ,guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weli ba tageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu dirayaa shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Wariyahii weynaa ee mudada dheer ka soo shaqeynaayey Idaacadda BBC da Wariye/Marxuum Yoonis Cali Nuur oo maanta 20/07/2018 ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Guddoomiye Cirro wuxu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelki, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku tilmaamay in uu shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na uu ka mid ah wariyeyaasha caanka ka ah geyiga Soomaalidu degto. Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro). waxa uu ugu dambeyntii uu Alle uga baryayaa Marxuumka uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii Jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu samir iyo iiman ka siiyo.

Aamiin Aamiin INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI Hargeysa, Somaliland