Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia oo kulan xasaasi ah la qaatay danjire Max’ed Al-Xamaadi (Daawo Sawirro)..July 04.18

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Somalia danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamadi.

Waxaa kulanka looga hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal, waxaana jiray qodobo kala duwan oo laga hadlay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sidii Imaaraadka Carabta u dardar gelin lahaa taageerada uu Soomaaliya siiyo loona wanaajin lahaa xiriirka labada dal.

Sawirada kulankan Safiirka iyo Wasiirka ayaa lagu baahiyey bogga Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia inkastoo aan lagu soo qorin faahfaahinta kulankan.

Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Somalia danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamadi oo mudooyinkan dhaqdhaqaaiisu aad yaraa ayaa lagu arkay isagoo madaxda sare ee dowlada kala qeyb galaya dabaaldeg lagu maamuusayey 1-da Luulyo oo ka dhacay garoonka Konis Stadium labo cisho ka hor.

Dowlada Itoobiya oo galangal ku leh arrimaha Somalia  ayaa mudooyinkan ka dhex waday labada dowladood wadahadalo iyo dedaalo diblomaasiyaadeed oo lagu xalinayo mugdiga soo kala dhex galay.