Haweeney Soomaali ah oo walaalkeed oo 13 jir ahaa ku dishay dalka Kuwait.Sep 22.18

Haweeney Soomaali ah oo walaalkeed oo 13 jir ahaa ku dishay dalka Kuwait.Sep 22.18

Sida uu qoray wargeyska Arab Times ee ka soo dalka Kuwait booliska dalkaas ayaa xabsiga dhigay haweeney Soomaali ah oo la sheegay iney toorey ku dishay wiil  13 jir ahaa oo dhinaca hooyada ay walaalo ka yihiin.

Dilkan oo dhacay 18kii bishan ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii haweeneydan ay mindi ku weerartay wiilkan walaalkeed ahaa ka dib markii uu aflagaadeeyey, waxayna mindida kaga dhufatay kalxanta bidix sida boolisku sheegeen.

Wiilkan ayaa meydkiisa laga helay gurigooda oo ku yaala caasimadda dalkaas ee Kuwait City.

Wargayska Arab Times oo soo xiganaya ilo ku dhow dhow ciidanka amniga ayaa sheegay in hooyada dhashay wiilkan oo magaceeda lagu soo koobay AYAAN ay aragtay meydka wiilkeeda oo qolkiisa yaala, iyadoo kadibna wacday waaxda gurmadka gargaarka ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha si ay ugu wargaliso dhacdadan.

Markii shaqaalaha gargaarka deg dega ah ay meesha soo gaareen ayay arkeen wiilkan oo si xoog badan u dhiig baxay, iyagoo markiiba cadeeyey inuu geeriyooday.

Wargayska oo sii faahfaahinaya shilkan naxdinta badan ayaa sheegay in goobta laga helay mindi loo adeegsaday dilka wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Jihaad.

Qoyska wiilkan uu ka dhashay oo dalka Kuwait degenaa muddo ku dhow 30 sano ayaa la murugeysan falka dhacay.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Kuwait oo si weyn maalmahan u hadal haya arintan ayaa la sheegay in markii ay dhacdadan maqleen ay si weyn uga argagaxeen.7B368221-1FEC-48E5-94C4-813530AE124A