Ilhan Cumar oo Guul Taariikhi ah ka gaadhay Doorashadii ka dhacday Mareykanka..NOV 07.18

Ilhan Cumar oo ah Gabadh Soomaali Mareykan ah ayaa markii ugu horeesay ku guuleesatay in ay ka mid noqoto Aqalka Hoose ee Congress-ka dalka Maraykanka, kadib guul ay ka gaartay doorashadii dhacday.

Waxa ay noqotay Ilhan Cumar gabadhii ugu horeesay oo Soomaali ah oo kamid noqoneysa Aqalka Hoose ee Congress-ka dalka Maraykanka, waxa ayna guusha Ilhan gaartay farxad u tahay Soomaalida kunool Mareykanka.

Ilhan Cumar oo hada ah hooyo 36 sano jr ah ayaa dalka Mareykanka qaxootinimo  ku tagtay iyada oo 12-sano jirta, waxa ayna Ilhan bedeshay nolosha Soomaali badan oo hada hami u yeeshay in ay kamid noqdaan golayaasha dowlada Mareykanka.

Dhinaca kale  Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota, waxa ayna labada xubnood ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.

Soomaalida Mareykanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay Guusha Soomaalida ka gaadheen doorashada dhaxe ee dalka Mareykanka, waxaana guushan Soomaalida u horseedeesay in ay hami badan ka yeeshaan dalka Mareykanka.Ilhan-Omar