Gudida Dhaq Dhaqaaq Isbedel Doonka Somaliland Ee UK Oo Maanta Soo Saaray War Murtiyeed (Pres Release )..Jan 15.19

Somaliland United Movement for Change (SUMC) Date: 14/01/2019 Warsaxaafadeed- Baaq ku socda Beesha Caalamka Somaliland waxay u baahantahay Gurmad Dhex-dhexaadin caalami ah Midowga dhaqdhaqaaqa isbedel doonka Somaliland (SUMC) waxa uu si miisaan leh u cambaaraynayaa heshiishka qayrul dastuuriga ah ee fawdo abuurka ah ee ay gaadheen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid ee ku saabsan in ay keligood doorasho aan Xisbiga Waddani ka qayb gelayn qabtaan.

Waa go’aan ka soo horjeeda Distuurka Somaliland iyo shuruucda doorashooyinka Somaliland, oo aanay meelna kaga qornayn in qaabkan oo kale ay laba Xisbi u afduubi karaan habsami u socodka doorashooyinka dalka. Waa go’aan ka soo horjeedaa nidaamkii isu tanaasulka iyo is fahamka ahaa ee dhaqanka u ahaa Somaliland. Waa go’aan ka soo horjeeda dhamaan shuruucda caalamiga ah marka la eego in Gudi ama Komishan aan haysan kalsoonida drafyada oo dhan uu garsoor noqon karo.

Xisbiga Waddani waxa uu metelaa in ka badan 40% bulshada reer Somaliland, marka la eego natiijada doorashadii madaxtooyada ee u dambaysay. Xisbiga Kulmiye waxa loo tirinayay in uu doorashadii madax tooyada boobay oo aanu rabitaan shacab ku soo bixin. Maadaama dareenkaa ka dhashay doorshadii madax tooyadu uu weli taaganyahayna waxa la filayay in xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu ay muujiyaan tixgelin, tanaasul iyo in uu wax badan oo rabitaanka mucaaradka ah soo dhaweeyo.

Xukuumadihii kulmiye Madaxdooda waxa loo tirinayaa hanti boob xadhkaha goostay iyo dhaxal wareejinta hantida qaranka. Xukuumadda kulmiye waxa ay dalka ka wadaa xadhig iyo cabidhinta fekerka muwaadiniinta, in la xidho cidii dhaliisha siyaasadda xukuumadda. Dad shacab aha ayaa u xidh xidhan inay face book ama WhatsApp wax ka soo horjeeda siyaasadda dawladda ku qoreen. Dad shacab ayaa Lasaaray maxakamad military oo lagu xukumay xadhig dheer. Susxufiyiin dhaliilay siyaasadda dawladda ayaa dhuumasho ku jira oo la baadi goobayaa, qaar kalena hanjabaado joogta ah oo in liisankaba laga qaado ah ayaa lagu hayaa. Xukuumadda kulmiye waxay Awoodo dheeraada oo shacabka lagu cabidhanayo siisay ciidamada amaanka, awoodahaas oo gaadhsiisan in ay toogan karaan shacabka, hadii ay shacabku diidmo ka muujiyaan wax ka mid ah siyaasad xumada dawlada oo mudaharaad oo kale bilaabmo. Xukuumadda Kulmiye waxa lagu eedaynayaa inay siyaasadeeda ka mid tahay in laisku hubeeyo beelaha reer Somaliland si laisugu mashquuliyo oo aanay ula xisaabtamin xukuumadda. Dagaalada u dhexeeya beelaha Somaliland mar qudha may istaagin sidii Kulmiye xukunka la wareegay, marwalbana waxa jira cadaymo muujinaya in xukuuumadu ay hurinayso dagaalka beelaha oo ay dano siyaasadeed ka leedahay. Xukuumadda kulmiye waxa lagu eedaynayaa inay cadaalad darada ay dalka ka waddaa sabab u tahay Kacdoonka ka dhex jira Ciidamada qaranka oo ay hadda samaysmeen saraakiil iyo ciidan badan uu ku dhawaaqay inay yihiin jabhad (Armed opposition).

Xukuumadda kulmiye waxa lagu eedaynayaa oo la aaminsan yahay in ay sabab u tahay sixirbararka, shaqo la’aanta iyo nolosha cidhiidhiga gashay oo maraysa heer ku dhaw inuu dhaco kacdoon shacab oo ay nabad gelyadu faraha ka baxdo. Waxa xukuumadda Kulmiye lagu eedaynayaa inay qabyaaladda iyo cadaalad darrada baahday ee ay dalka ka wadaa ay saamaysay, fursadaha shaqada oo aan loo sinayn, fursadaha qandaraaasyada dawladda oo aan loo sinayn, derejo siinta iyo dalacsiinta ciidanka oo aan loo sinayn, taas oo keentay kacdoon ciidanka dhexdiisa ah, mashaariicda horumarinta gobolada oo aan goboladu u sinayn, qaybinta deeqaha bani Aadamnimo iyo kuwa mashaariicda horumarinta ee lagu caawiyo Somaliland oo aan loo sinayn …

Hadaba rejeda qudha ee shacabka reer Somaliland qabay in dhibaatooyinkaas iyo qaar kale oo badn lagaga bixi karaa waxa ay ahayd in ay dhacaan doorashooyin xalaala oo ay shacabku codkooda wax ku bedeli karaan. Waxase muuqata in Xukuumadu ay soo afjartay rejadaas keliya ee umadda reer Somaliland qabtay. Waxaanu u aragnaa in ay arintan Komishanka ee laisku khilaafsan yahay iyo qaabka xukuumadu u maamulayso khilaafka ku saabsan komsihanka ee ah khasab ayay ku joogayaan, doorashadana iyaga ayaa qabanaya xataa hadii aanu ku kalsoonayn xisbiga mucaarka ugu Wey nee Waddani. Waxaanu u aragnaa inay keeni karto khalkhal iyo bur bur ku yimaada Somaliland. Waxaanu u aragnaa inay tahay dhamaadkii dimuqraadiayadda Somaliland. Waxaanu u aragnaa dictatorship kii, Afduubkii, corruption kii iyo cadaalad daradii ka jirtay Somaliland oo dhaaftay heer loo dulqaadan karo. 1. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda Somaliland inay ku soo noqoto ixtiraamka shuruucda dalka oo aanay horseedin burbur ku yimaada Somaliland.

2. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladaha caalamka ee daneeya arimaha Saomaliland gaar ahaan kuwa ka taageera arimaha dimuqraadiayadda iyo horumarka, inay u soo gurmadaan Somaliland oo ay soo farageliyaan xaaladdan cakiran oo u dhaw inay faraha ka baxdo. 3. Waxaanu ugu baaqaynaa Qaramada Midoobay gaar ahaan wakiila Somalila iyo Somaliland inuu si dhaw ula socdo xaaladda xooga iyo is muquuninta ah eeka bilaabantay Somaliland. Notes. Midowga dhaqdhaqaaqa isbedel doonka Somaliland (SUMC)Waa dhaqdhaqaaq siyaasadedd oo ka soo horjeeda musuqmaasuqa, qabyaaladda, cabudhinta xorriyadda fekerka, cabidhinta saxaafadda iyo noocyada cadaalad darada oo dhan. SUMC waxa saldhigiisu yahay Waddanka UK waxa kale uu uu dhaqdhaqaau ka Jira wadamada kale ee EU, USA Canada iyo Australia.