Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaanno ka bilaabay Hay’adda Duulista iyo Madaarka Egal International Airport

Hargeysa (Salaanmedia)- Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa maanta baadhitaanno la xidhiidha xisaabaadka la xidhiidha dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka bilaabay Hay’adda Duulista iyo Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Baadhitaannada ayaa qayb ka ah hawl-gallada caadiga ah iyo masuuliyadda uu xambaarsan yahay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyey laga dareemay dar-dargelin xagga hawl-gallada baadhista ah oo ka duwan qaabkii hore ee xafiisku u hawl-gali jiray, iyadoo hawl-galladani yihiin qaar kedis ah oo aan la sii ogeysiinin hay’adaha bartilmaameedku yahay.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo muuqaalkan hoose