Muuqaalka ragii weerarka ka geestay Nairobi oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)…Jan 16.19

Baraha bulshada iyo Warbaahinta ayaa lagu baahiyay muuqaal kaamirada Qarsoon ee loo yaqaan CCTV ka duubtay dagaalyahandii katirsanaa Al Shabaab ee galabta weerarka ku qaaday hotel kuyaala magaalada Nairobi.

Muuqaalka ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa laga dhax arkayay afar nin oo ku hubeesan qoryaha AK-47, waxa ayna ragan hubeesan wateen darees madow oo isku egyahay iyagoona labo jiho ka galay dhismaha hotelka Dusit.

Raga weerarka ku galay  hotelka Dusit ayaa la sheegay in rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa hotelka gaar ahaan qeybta maqaayada iyo goobo kale ay dad fadhiyeen, waxa ayna markii dambe galeen qeybo kamid ah dhismaha hotelka.

Dagaalyahanadan katirsan Al Shabaab ayaa saacado badan ka dhax dagaalamayay gudaha hotelka Dusit, waxaana hotelka ragan hubeesan markii dambe kula dagaalamay una soo galay ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Dableyda weerarka ku galay dhismaha hotelka ayaan wali la ogeyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen, waxa ayna dowlada Kenta sheegtay in weerarka lasoo afjaray lana wareegeen ciidamada dhismaha hotelka ka kooban yahay.