Burco: Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo Deeq lacageed guddoonsiisay Qoys Danyar ah

Burco (SalaanMedia)- Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa maanta Deeq lacageed oo dhan Kun Dollar Guddoonsiisay Qoys Dan-yar ah oo ka kooban Hooyo iyo Afar Carruur ah oo ay dhashay oo ku nool magaalada Burco, kuwaas oo la dhibban Xanuunka dhimirka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, ayaa olole ay maanta Qaadday waxa ay ku ururisay 39 Carruur derbi-jiif ah oo ku nool gudaha magaalada Hargeysa.