Cabashada Shaqaalaha Warbaahinta ee magaalada Muqdisho.Feb 19.19

Cabashada Shaqaalaha Warbaahinta ee magaalada Muqdisho.

Cabashada Shaqaalaha Warbaahinta ee magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn warbaahinta waxaa saaran waajib ku saleysan illaalinta iyo dhowrista danta Qaranka Soomaaliyeed. Waana muhiim in warbaahintu ay baahiso warar iyo barnaamijyo illaalinaya diinta, dhaqanka wanaagsan iyo waliba xaq dhowrka shacab iyo mas’uuliyiin, labadaba.
Sidaas si la mid ah, waxaa xusid mudan in shaqaalaha warbaahintu ay xaq u leeyihiin madax-bannaanida howlahooda, helitaanka ama raadinta warar iyo barnaamijyo lagula xisaabtamayo mas’uuliyiinta oo dhan.
Waxaana mar waliba lagama maar-maan ah in dowladdu ay sara u qaado tayaynta shaqaalaha xafiisyada dowladda, si loo helo dad leh xirfad, dabeecad wanaag iyo aqoon la xiriirta warbaahinta.
Waxa ay tani sahli doontaa in la helo xiriir SHAQO WANAAGSAN oo u dhaxeeya dowadda iyo shaqaalaha warbaahinta.
F.G: Anigu ma ihi qof shaqo-doon ah balse waa tallo ku aadan jahwareerka shaqo ee u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowadda iyo shaqaalaha warbaahinta.
Abdihafid  Mahamud Jama
London England
Mahadsanidiin