Xuska maalinta taariikhiga ah ee Dhalinyarada Somaliland oo si weyn loogu dabbaal-degay

Xuska maalinta taariikhiga ah ee Dhalinyarada Somaliland oo si weyn loogu dabbaal-degay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka iyadoo ay ka qayb-galeen dhalinyaradii goob-joogga ahayd maalintii dhagax-tuurka ee 20 February 1982 xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, iyadoo dhacdadaas lagu xidh-xidhay dhalinyaro tiro badan oo xiligaas dhiganaysay dugsiyada Sare ee Faarax Oomaar iyo 26-ka Juun.