Derbi Jilicsan Oo Ii Fagmaaya Baan Helay ( Abdi-Shotaly).

Derbi Jilicsan Oo Ii Fagmaaya Baan Helay ( Abdi-Shotaly).

Wakhti-yaddii 70s ( 1970s) baa waxa magaaladda burco ku noolaan jirtay, islaan la yidhaaho ” Awliyo-Alle” oo dawersan jirtey, labadda indhood mid bay la’ayd, ta kale-na wax cayn-kaas u sii ridan, kama ay arki jirin, ee way himbiriirsan jirtey. waxay dhashay laba wiil iyo inan la yidhaaho qurxoon, oo aad uu qurux rabbi ugu manaystay, qof caydhi ahi qurux ma laha, oo kolay wuu iska rif-rifan yahaye. waxan uga socodo hoos baad kae heli doontaaye, marka aad wadda akhridid ee aad fahantid, isu miisaan noloshii askariga Somaliland boobay ee jaahilka ah, iyo ta qoyska reer “Awliyo-alle)”, Waana kan ee la soco qisadan, kuna soo dhawaw:-

(a) Labaddii wiil mid wuxu noqday tuug, xadhko-goys ah, oo marka uu imika jeelka ka soo baxo, saacad dabadeed dib loogu celiyo, waayo isla markiiba wax buu dhici jirey, oo ay qayladu is dhaafi jirtey, markuu wax uu dalqadda dhigo waayo, bay naftu ku kelifi jirtey in uu wax xado, xaal-kiisu wuxu iska ahaa xabsi ku nool 99%.
(b) Wiilkii kale-na wuxu isna noqday xabagle, dooxa burco u hoydda, fiidkiina soo gala maqaaladad oo raashin ay hudheeladu ka soo hadha ee xashiishka lagu rido, ka gurta buu ku dambeeyey.
(c) Islaanta oo sidda aan sare ku soo sheegay la yidhaaho ” Awlliyo-Alle”waxa gacanta qabata, oo la dewrsata inan-teedda “Qurxoon”, oo suuqa la baryootanta, ilayn hooya-deed si wacan wax uma aragtee, intaa dabadeed maxaa dhacay muwaadin?

Maalin ayaamaha ka mid ah, baa inantii “qurxoon” oo gacanta haysa hooya-deed suuqa badhtan-kiisa ( faras-magaalaha burco), oo siddii caadiga u ahayd la dawersa-naysa, baa waxa ku soo baxay, nin ka yimi Carabta ( Dooxa Qadar), oo janaala-yaashii ugu horeeyey ka mid ahaa, magaciisana la yidhaaho ” Ma Gefe”. markaa wuxu fadhiyaa maqaaxiddii la odhan jirey ” Gaajo-cad” ee ku qabsanayd Masaajidkii weynaa ee burco.
Qurxoon way soo dawersatay, oo sideeddii bay tidhi na caawiya aniga iyo hooyaday, oo ay markaas gacanta hayso. Mr Janaale Ma gefe, markiiba inta uu kacay buu ku yidhi inantii, Ma hooyadaa-baa islaantu? Haa bay ugu jawaabtay, oo Aabahaa mee isna? Waxay tidhi Illaah ha u naxariisto, Wuxu ku yidhi hadana, cid kale oo walaalo ah, ama adeero, abtiyaal ma jiraan,? Waxay ugu jawaabtay, laba wiil oo walaalo ah baan leeyahay? Wuxu yidhi oo meeye xagee bay jiraan? Waxay hadal ugu celisay, Mid waa sakhraan, oo dooxa baanu waxa aanu helo ugu geynaa, ka kale-na waa tuug oo jeelka buu ku jiraa. Intaasi markii ay kala gaadhay, bay islaantii  tidhi, waar wax ama na sii ama ha na daalin nin-yahaw.

Mr Ma Gefe, Wuxu yidhi, waxan rabaa in aan ku guursado, ee bal ka waran? islaantii baa hadshay oo tidhi, waaryaa nin-yahaw islaameed, ma taa gacanta i haysa baa rabtaa in aad iga baabi’iso? waar i dhaaf, wuu dhaartay oo wuxu yidhi, waa iga dhab, oo waxan rabaa in aan inantan quruxdda leh dawersiga ka joojiyo, oo ay oori ii noqoto,  inta uu lacag siiyey, oo uu guri geeyey, buu labaddii inan doontay, si ay ugu meheriyaan,  caalaa kuli xaal guursay, labaddii inan midna baabuur buu u iibiyey, mid-na bakhaar buu u dhigay, islaan-tiina guriggii inan-teedda bay degtay. Islaantii “Awliyo-alle”, mudo dabadeed,  baa iyadda oo iska barwaaqaysan, la waydiiyey oo lagu yidhi ” Awliyo-Allaay” bal noo waran oo xagaad wax ka heshay waa adigan kala degaye? Waxay tidhi ” Waxan helay derbi jilicsan oo ii fagmaaya? Waxa la sii waydiiyey ” Muxuu ahaa Derbi-gaas kuu fagmayaa? waxay ku jawaabtay ” Waa wiilka Qurxoon iga guuursaday”, oo rabbi igu ilhaamiyey.

Ujeediyo haatan, waxan u soo qaatay, Somaliland waxay noqotay, derbi-gaas jilicsdan ee ay faganayaan askarta iyo  sakhraanadda ku xeerani.  mid kaba la’aa, oo boga iyo beerku isku dhegeen ( Waa askariga’e), oo sakhraano ku xeeran yihiin siddii labaddii wiil ee sare aan ku soo sheegay ( waa Cabdiraxmaan sakhraanka war-baahinta, iyo ina kaahine) inantii Qurxoon ( Waa Somalilande), af-duubay, siddii ay silica ugu soo kortay, bay somalilande silic ku nool ahaaayeene, waxase gacan adag ku qabtay Qurxoon, oo mar walba gacanta haysay hooya-deed ” Awliyo-Alle”, laakiin nasiib darro, Somaliland cid gacanta qabata may helin, ee yuug-iyo-yamaayuug baa ku dikaday siddii tagfidda iyo shilin gabaaraydda, ay ka mid yihiin, Sidda Xaaji Musuq, waa ka ay yidhahaan Maxamuud Xaashi, Jano ka bood ( Samaale), Askariga jaahilka ah ee la yidhaaho, Raggii ma adiga aka hadhay, Geenyo shaaximan ( Ina kaahinka), Sacad cali shire, iyo qaar kaloo badan, illaahay duul ooman buu ku sii daayey Somaliland, ee mar uun buu u bixi Ruux ah Sidda Mr Ma Gefe.

* N.B Nabsigu waa daruuraha cirka iyo sidaa dabay-shaase.
Qore:- Abdi-shotaly.