OGAYSIIS : SHAQOOYIN KA BANAAN DALKA SOMALILAND.

OGAYSIIS : SHAQOOYIN KA BANAAN DALKA SOMALILAND.
Suurto gal matahay in uu dalka somaliland u baahan yahay in ay helaan cid wax ka garanaysa siyaasadda iyo sida dawladaha loo hogaamiyo , kol haddii ay guul daraysteen hogaankii dalka u sareeyay iyo xukuumadiisiiba inay dhibaatada iyo mashaakilka faraha badan ee siyaasadeed ay dalka ka gudbin kari waayeen . oo ay ku dhex asqoobeen siyaasaddii dalka , kuna guul dareysteen inay fuliyaan wixii ummadu u dooratay ee uu xisbiga kulmiye ku balan qaaday . Sidaa daraadeed somaliland waxay u baahan tahay , aqoon yahano dhinaca siyaasadda ah iyo qaar dhinaca dhaqaalaha kala taliya  iyo qaar ku takhasusay dhinaca siyaasadda arima dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo weliba garyaqaano aqoon u leh wadahadalada .
Sidaa awgeed somaliland waxay baafinaysaa cid shaqooyinkan hoos ku qoran soo codsata , shuruudahana soo buuxisa :
SHAQO :jago madaxwayne dawladeed ( dawladda somaliland )
SHAQO: jago madaxwayne ku xigeen
SHAQO : jago WASIIRO –  arimaha dibedda – gudaha -maaliyadda -gaashaandhiga – dalxiiska – beeraha – warfaafinta caddaalada -waxbarashada – caafimaadka ….
   Aqoon yahano siyaasadeed – khubaro cilmiga siyaasadda bulshada –  mufakiriin leh fikir aqooneed iyo fikir siyaasadeed ba .
SHURUUDAHA LAGA DOONAAYO INAY BUUXIYAAN :
Waa in aanu weligii arag dalka somaliland .
Waa in aanu weligii somaliland ka shaqayn .
Waa in aanu dhaqanka soomaaliyeed aqoon u lahayn , diintana wax badan ka aqoon .
Waa in aanu afsoomaaliga aad u aqoon .
Waa in dunida dalal badan tegey .
Waa in uu 4 paaspoor wax ka badan heysto , laakiin ka somaliland aanu haysan .
Waa in uu yahay qof aan cidna la shaqayn karayn .
Waa in uu noqdo qof xagga beenta aad u yaqaana .
Waa in uu noqdo qof aan dalka iyo dadkiisaba aan dan ka lahayn .
Waa in uu noqdo qof aan dalka degenayn isaga iyo qoyskiisuba .
Waa in uu noqdo qof dalka u soo xoogsi tegey .
Waa in uu noqdo qof aan wadaniyad lahayn , daacadna ahayn .
Waa in uu noqdo qof aan taariikhda somaliland waxba ka aqoon .
HADABA MAXAA DHICI LAHAA HADDII AYNU SOO WAARIDANO CID AAN DALKA U DHALAN OO SHAQADA DALKA INOO WADDA , AQOONNA U LEH.
Hadaba maxaa dhici lahaa haddii aynu soo kiraysano ( waaridanno ) ka qof u dhashay dalka FINLAND oo aynu MADAXWAYNE ka dhiganno .
Madaxwayne ku xigeena aynu ka keensanno dalka JARMALKA .
Wasiir arima dibedeedna ka soo waaridanno dalka FARANSIISKA .
Wasiirka maaliyadana ka soo kiraysanno dalka INGIRIISKA .
Wasiirka shaqada iyo shaqaalahana dalka CHINE .
Wasiirka arimaha gudahana dalka SWEDEN .
Wasiiska arimaha bulshadana HOLLAND .
Wasiirka arimaha caafimaadkana CANADA .
Wasiirka waxbarashadana JAPAN .
Wasiirka gaashaandhigana U.S.A .
Wasiirka dalxiiskana DUBAI .
Wasiirka warfaafintana QATAR  (aljazeera)
Wasiirka warshadahana TAIWAN .
HADABA WAXAYNU DHAMAANTEEN WADA OGNAHAY INAANAY KUWAN IMINKA JOOGAA AANAY NAGA SAARAYN XAALADAHA SIYAASADEED EE ASQAYSAN EE AAN LAGA RANAYN MEEL AY U SOCDAAN IYO MEEL AY KU DHAMAAN DOONAAN .
SIDAA AWGEED WAXAY SOMALILAND U BAAHAN TAHAY IN HOGAANKA IMINKA JOOGA LA BEDELO , HADDII KALE WAY LA LUMI DOONAAN DALKA .
WABIL LAAHI ALTAWFIIQ
CALI MAXAMED BIIXI           caliwwelli@hotmail.co.uk